Baahida Agoonta SWACRO ee Afgooye
Fadlan ka qeybqaado horumarinta waxbarasho ee Agoonta SWACRO

Ka dib markaan soo gudbiney inay jirto baahi degdeg ah kaasoo ah in agoonta Swacro ee degmada Afgooye ay u baahan yihiin Muqsul (Suuli) kuraas iyo miisas iyo Tubo biyood ayaa waxaa inoo suurageshay inaan helno baahida Muqsul (Suuli) kuraasta iyo miisaska, kaasoo dad badan oo booqdey webka 4somaliwomen.com ay naga codsadeyn inaan u soo bandhigto waxa ay tahay baahida dhabta ah
Hadaba waxaa inoo suuragashay xilligaan inaan helno qiimaha Muqsul (Suuli) iyo kuraasta iyo miisaska kaasoo ah
Muqsul (Suuli) waxay ku kaceysaa halkii Suuli lacag dhan $ 170, Kuraasta iyo miisaskuna waxaa lagu qiimeeyey halkii miis waa $10 kursiguna waa $10 waxayna u baahan yihiin ardeydu 10 miis iyo 10 kursi.

Inkastoo aan jeclaa inaan idiin soo bandhigno qiimaha tubada biyaha ayaan noo suuragelin, sabab xagga xaafada uu dugsigu uu ku yaalo ee aanan weli soo gaarin wax biyo ah, balse nasiib wanaag waan wadnaa howlaha aan ku aruurineyno tubada biyaha qarashkii ku bixi lahaa, oo waxaan u heynaa oo Accounka Qaran ku jira lacag dhan $100 oo ay soo dhiibey gabadh wanaaga iyo qeyrka jecel, xilliga ay noo suuragashana insha alaah ayaan u gelin doonaa tubo biyood caruurta Agoonta SWACRO ee degmada Afgooye. Inta ka horeysana waynu soo dhaweyneynaa cidii wax ku darsaneyso kaalmadaas.
Fadlan kaalmadiina waa muhiim ee ka qeyb qaata horumarka caruurtaas oo xilligaan ah kuwa horumar ku talaabsadey aqoontooda, horumarkaas ka sokow Allaah sumxaana qaadirka ahaa, waxaa qeyb weyn ka ciyaarey shaqsiyaad badan ee ku kala nool dunida dacaladeeda, fadlan ku dadaala ka qeybqaadashada taakuleynta dadkeena ku dhiban dalka Somaliya.
Kuna soo hagaaji kaalmadiina
Madaxa SWACRO ee Somaliya
Yasmin Mayow Maxamed
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
002521-5590407
0025250-410004