Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

Dhulka somalia
Soomaaliya waxay kutaalaa geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga. Bedka dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran).

 Soomaaliya waxaa waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia,  waqooyi-galbeedna Djabouti. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km]. 


Dhulka Soomaaliya waa dhul saxara xigeen ah. Waana dhul aad u siman, marka laga reebo dooxooyinka webiyada shabeelle iyo jubba iyo buuraleyda Golis ee taxan xeebaha Waqooyi iyo Waqooyi-Bari .

 Taasi waxay sahal kadhigeysaa in reer guuraagu ay si sahal ah u safri karaan meeshii ay doonaan. Soomaaliya waa dhul aad ugu haboon xoola dhaqashada, gaar ahaan xilliga barwaaqada, iyadoo ay kabaxaan dhir aad u kala geddisan oo kuhaboon daaqa xoolaha .  Dhanka waqooyiga ee ku xeeran gacanka Cadan waxaa ku yaala dhulka looyaqaana Guban, dhulkaas oo  bilicsami ku siyaadinaya Berbera iyo buuraha Golis ee aan kor ku soo xusnay. Ceerigaabo agteedana waxaa kuyaal buurta ugu dheer Soomaaliya oo lagu magacaabo Surad, dhererkeeduna lagu qiyaasay 7,900 feet ama (2,408 mitir). Buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheerna waa buurta Baxaya, waxayna kutaal Buruc oo Boosaaso kaxigta dhanka Bari. 

Dhanka koonfurtana marka aad u kacdidna waxaad geleysaa Sool iyo Hawd iyo dhulka loo yaqaan galgodon ama oogo . Markaad timaadid dhanka Baydhabo, waa dhul ka samaysan dhagaxa looyaqaan "Granite". Xeebta u dhexaysa Kismaayo iyo Hobyo oo dhererkeedu yahay 1,000 km  waa dhul bacaad ah, taas oo kutusinaysa bilicsamida dhulka soomaaliya marka aad kasoo eegtid dhanka badda. Dhulka kale ee hooseeya (dhul-hooseed) ee Soomaaliya waxaa kamid ah Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal oo kuyaal Waqooyi-Bari. Labaduba waa dhul waadi ah, waxayna biyaha ku daraan badweynta Hindiya. Dharoor waxay badda kaga darsantaa Xaafuun, Nugaalna waxay kaga darsantaa Eyl. 

Dhanka koonfurta waxaa ku yaala labada webi ee jubba iyo shabeelle. Waxay labaduba kasoo bilaabmaan buuraha Ethiopia. Jubba wuxuu biyaha kaga daraa badweynta Hindiya meel u dhow Kismaayo. Shabeelle wuxuu ku dhamaadaa meel dhexe inta uusan badda gaarin. Jubba ayaa ka biyo badan Shabeelle. Dhulka Labada webi ku xeeran ee aadka u quruxda badan waxaa kamid ah Afgooye,  Balcad, Jawhar iyo Jamaame. 

W/Q :- Abdirisaq Abdirihman Ahmed

E-mail:- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it