Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

wacan oo wanagsan mahad alleh baa iska leh 
waxaan idiin soo gudbiniyaa gabaydii ku saabsan amaanta gabdhaha   somaliyeed gabaygan waxaa tiriyey ahmed maxamoud cabadalle waan kan 
Wuxu yiri:

 


Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe'
Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye

KA LASOCO 4SOMALIWOMEN.COM SHEEKOOYIN IYO WARAR KU XIISA GELIYA