|
Ragga iyo Dumarka Keebaa Gardaran? Waa Qiso Dhab ah oo talo u baahan Waxaan rabaa halkaan in aan idiinku soo bandhigo qiso dhab ah oo aniga iga fajicisay, bal idinkana ila eega oo oo ii soo dira wixii talo ah aad ka geysan kartaan.Waxaa la ii sheegay qisadaan in ay ku dhacday gabar saaxiibteey ah walaasheed iyo ninkii qabay. Hodan, waa magaca aan ugu yeerayo gabarta ay qisadaan ku dhacday. Hodan waxay u dhasha 6 caruur Asad oo ku nool Xaafada Hodan Gaar ahaan Shiirkolo ee magaalada Muqdishu, waxeyna ahaayeen dad iyo aad isu jecel. Hodan iyo Asad ayaa u soo qaxay dalkaka Kenya 1991 iyagoo saddex caruur heesta, waxeyna hlkaas joogeen ilaa iyo 1997 waxaana uugu dhashay labo caruur.1997 daba yaaqadiisa ayey Hodan ka heshay Sponsor Hooyadeed oo ku nooleed dalka Mareykanka Asadna wuxuu goaan saday in uu dalka isaga laabto oo uu gurigiisa iska joogo ilaa iyo inta ay Hodan ka tageyso dalka Mareykanka. Hoddan waxey ka soo baxday dalka Kenya iyadoo uur yar iyo shan caruura ah leh. Oo waxey yimaadeen dalka Marekanka. Hodan durbaba markii ay sharciga heshay ayey u xereysay sponsor odeygeeda oo joogay Magaalada Muqdishu.Intuusan sharciga u soo bixin Asad, ayey Hodan maqashay in uu ku guursaday Gurigoodi ku yaalay Muqdishu naag kale. Hodan markii hore wee iska dhagooleysay hadalkaas. Lakiin dad badan markey u sheegeen ayey goaansatay in ay kasoo kor dhacdo. Hodan waxay sugtay ilaa iyo inta ay ka dhaleyso madaama ay xaamilo ahayd. Hoddan waxey dhashay cunnugeedi 6aad. Oo noqday kii ugu horeeyay ay ku dhasho dalka Marekanka.Hal sano ka dib ayey Hodan caruurteeda uuga tagatay Hooyadeed iyo Walaasheed iyadoo booqasho u aaday Muqdisho. Hadan waxey baxday ayadoon ogeysiin Asad.Markii ay Hodan timid magaalada Muqdisho ayey tagatay gurigeeda. Waxaa albaabka ka furtay gabar shaqaalo ah oo weydiisay cidey raadineyso. Hodan waxey uugu jawabtay, “Waxaan ahay Asad ina adeertiisa oo uug timid Beydhawo”. Gbartii shaqaalaha ayaa tiri waxaan kuugu soo yeerayaa Asad Xaaskiisa.Waxyar ka dib waxaa soo laabatay gabartii shaqalaha iyo Naagtuu Asad qabay. Hodan ayaa mar labaad u sheegtay in ay tahay Asad ina adeertiisa Asad oo rag la fadhiya ayaa loogu yeeray. Markuu indha dhuftay Hodan ayuu ku yiri naagtiisa cusbeed, “Naa waa Hadaney Carar”. Markuu ereygaas afkiisa ka soo yeeray ayey Hodan Kal yar madaxa uuga dhufatay oo ay si qof waalan oo kale si darandoori ah kashii uugu qaraacday Asad. Naagtii uu Asad guriga ku qabay ayaa isku dayday in ay Asad ka celiso Hodan, Hodan oo aan miir laheen ayaa kashii ku racdeysatay iyadana.Xaafadii oo dhan ayaa isu soo baxday, markaas ayuu Asad halkaas ugu dhawaaqay in uu Furay Hodan. Hodan ayaa Mareykanka ku soo laabatay ayadoo garoob ah oo uu ninkeedi soo furay.Hodan markey soo laabatay ayey baratay nin dhalinyaro ah oo ay aad u caashaqday. Waxey go’aan sadeen in ay is guursadaan. Hodan ninkii dhalinyarada ahaa ayey Guursatay oo ayaamihii hore si fiican ayuu uula dhaqmay, iyadana jaceelkeedi wuu sii weynaaday. Wuxuu ahaa nin aan shaqo jecleen guurkoodina dowlada ma ay ogeen oo wuxuu ahaa mid ay ugu yeerteen labo wadaad iyo marqaati yar.Wiilkaan oo magaciisu uu ahaa cali ayey Hodan u dhashay hal cunug oo ah keedi todobaad. Cali ayaa diiday in uu shaqo aado oo wuxuu ku yiri Hodan Ilmaha ayaan kuu heynayaa ee adiga shaqo aad anigana dowlada lacag ha igu siiso daycare-ka caruurta . Hodan waa ay ka diiday oo wuxuu uugu hanjabay in uu furaayo, oo hadduu furana cid kale oo rabto aysan heleynin. Wuxuuna ku yiraahdaa waxaad tahay habar duq ah oo todobo caruur heysata, yaa ku guursanaayo.Hodan waxey sameyso ma taqaan oo waxey u egtahay in ay guurka cali ku xabisan tahay. Bal Akhristayaaloow la taliya Hodan oo iimeelkeyga uugu soo dira talada. By: Axlaam
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Under the International copyright laws, no one should copy this story without the permission of the author and 4somaliwomen.com. This execlusive story belongs to 4somaliwomen.com. Sheekadan lama koobi gareen karo lamana qaadan karo ayadoon fasax laga heysan qofkii qoray, Axlaam Cabdidhoof
|