Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

Taariikh Nololeedka Mahad (Mardadi)

 

 

 

Mahad Mardaadi waxa uu kunoolaa Nawaaxiga degmada Afmadow sanadkii 1973 illaa iyo hadda. Inkastoo dadka qaar ay dhahaan mahad waxa uu yimid 1973dii kahor. waa nin caan ka ah degmada afmadow isagoo markaa ay dadka dhihi jireen (Mardaadi Xaaji Dhagax) waxaa yaqaanno dadkii kunoolaa degmada afmadow oo badankood isagoo markaa aan lahadli jirin dadka waxaana ladhihi jiray waa nin waalan. Mahad wuxuu noloshiisa badankeed kudhameystay duurka marmar ayuu imaani jiray degmada isagoo dadka kaalmo karaba aanan usheeganayn waxa uu rabo kaliya dadka ayuu soo ag istaagi jiray. Dadka naxariista badanna waxay siini jireen wixi ay u helaan mudada yarta ah ee uu degmada joogo mudadaas oo lagayaabo inay tahay maalin ama maalin galinkeed.

 

1973dii ayuu mahad yimid Degmada Afmadow. Wuxuuna kayimid dhinaca Badhaadhe muddo dhowr bilood ah ayuu Lo’ uraacay Axmed Cabdullahi Cumar.

 

1974tii ayaa waxaa ku soo weynaaday xanuunkii waallida ahaa.intii udhaxaysay 1974tii-2006dii Mahad waxa uu ahaa nin duur kujir ah, waalanna. Mahad marmar ayuu duurka ka soo bixi jiray oo uu imaani jiray magaalada Afmadow isagoo markaa soo istaagaya albaabada tukaanada amaba qofkii uu arko agtiisa si uu uga helo wax’uun isagoo aan lahadleynin dadka. Mahad mardadi markii uu dadka wax kahelo ayuu kunoqon jiray duurka. Marmar ayaa dadka u naxariista dadka jilicsan kaxiiri jireen timaha, wax dhaxanta uu ka huwadana dadka uga qaaraami jireen.

Mudadii uu duurka ku jiray waxaa uu sameyn jiray inuu banneeyo dhul beereed ballac iyo dhererba leh isagoo markaa geed qaadaayo. Laakiin markuu dad ku arko wuu ka haajiri jiray haddana mid kale ayuu billaabi jiray

 

01/01/2007. mahad oo jiifa meel cidlo ah waqti habeen ah, roobweynna da’ayo ayaa waxaa soo maray Macallin Barre Aadan Cismaan. Markii uu lahadlayna waxaa uu yiri (walaaloow meel aan ku dhuunto igee) markaasa indhaha waxba muusan ka arkaynin. Gumeerkana nabar gudaha ka soo baxay ayaa kaga yaallay. Macallin Barre wuu soo qaaday Mardaadi isagoo markaa kusoo qaaday karreeto waxa uuna geeyey isbitaalka degmada Afmadow. Kadibna waxa uu geeyay gurigiisa. Meel ayuu udhisay uguna qabeeyay. Illaa iyo hadda waxaa Mahad Mardaadi gacanta ku haya Macallin Barre hoysiin nafaqayn iyo xannaanayn guudba.

Haddaba ninkii Islaam ah oo raba inuu wax uqabto odaygaan masaakiinka ah hala soo xiriiro.

 Macallin Barre Aadan Cismaan telephone: 25215807514

 Hormuud ama 25250768904 Nation link isagaa ayaa laga helaa warbixin buuxdo.

ama

Macalin cali hadi

telephone 612-978-6899 MN

ama  Mahamed CARTAN 612-242-9821 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  
SWACARO ORGANIZATION MN