Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

Fadlan wallaal Alle dartii wax ku tar qoyskan dhibtu ku habsatay

 

 

 

 

Hooyo sahra cumar waa hooyo curyaan ah isla markaasna dhashay  awlaad isugu jira gabdho iyo wiil kuwaas oo ay innamadeedii afar kamid ahi waasheen midina gubtay dhinaca kale hooyo sahra cumar awlaadeedu waa agoon oo aabo malaha

Waxaa intaas u weheliya camaal la,aan haysa dhamaan qoyskeeda iyadoo inta badan quutul daruuriga looga soo qaado xaafadaha la jaarka ah,

Mar aan haddaba ku booqdey aqalkeeda oo ay ku xidhan yihiin laba ka mid ah animada maskaxda ka jiran waxaa islamarkiiba indhaheygu qabteen nolol aad u hooseysa oo ka jirta guriga hooyo sahra cumar, aad ayaa dhab ahaantii uugu murugoodey nolosha qoyskan danyarta ah waxaana indhaheyga ku soo joogsatey ilmo.

 

 

 

 

Dhibaatada qoyskan ayaana aheyn mid ku kooban fakhriga haysta ee waxaa weheliya sidaan horeyba u sheegay dhib ka haysata wiilasha maskaxda ka jiran.

Wiilashii xooga u ahaa ee nolol maalimoodkooda u soo saari lahaa ay yihiin kuwan aad ku arkeysaan sawirada.

Waxaan guda galay inaan wareysto hooyo sahra cumar waxaa ay ii sheegtay arimo aad qalbigu wali allaankaa iiga xanuunayo oo ay kamid yihiin

Iney waayaan habeenada qaar wax ay gaas siistaan marka aqalku ku madoobaadana inamada maskaxda ka jirrani billaabaan qeylo iyo gacan ka hadal taasina ay sababtobey tidhi innaanu saqda dhexe diba uuga yaacno iskaba daa waxaanu cunne

Mar aan weydiiyey miyaaney wax ku tarin dadka aad qaraabada tihiin?

Waxaa ay tidhi intooda badan waa dad danyar ah oo dagan buulal kuna jira nolol aan taayada dhaamin,

Waxaan weydiiyey maxaad ka codsan laheyd dadka wallaalahaaga muslimiinta ah maadaamoon dadka kuugu soo bandhigayo iney wax ku tarraan?

Waxaa ay tidhi hooyo sahri waxaa ka codsanayaa qof walba oo muslim ah gaar ahaan wallaalaheyga somaliyeed meelkasta oo ay joogaan iney wax I soo tarraan oo ay iga soo bixiyaan kharashka dhakhtar Ethiopia ku yaala oo aan rabbo innaan geeyo wiilashan iga jiran waxna iga soo taraan noloshan aadka u taagta daran ee aanu ku jirno waxaanan rajeynayaa inaan jawaab fiican ka heli doono wallaalaheyga muslimka ah,

 

Haddaba haddii aad wallaal jeceshahay inaad wax tar u fidiso hooyadan dhiban fadlan la soo xidhiidh

Tell: 002522+4421178 hooyo sahra cumar

Email:  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it