Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

 

Cali waa sagaal jir Kaadi haysta Banaanka taalo wuxuu u baahan yahay Gargaar deg deg Mudadii labaatanka Sanno ee dhibaatada ka jirey Gayiga Soomaaliyeed waxaa dadka soomaaliyeed isugu darsamey Colaad, Abaaro iyo Cudduro waxayna Galaafteen dad farabadan oo aan waxba galabsan, iyadoo taasi ay jirto ayaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dibadaha waxay u istaageen ama gunta u xirteen in ay gacan siiyaan dadkooda dhibaateysan ,CaliXasan Cali waa Wiil Sagaal jir oo ku dhashey iyadoo kaadi haysta banaanka taalo islama markaana Buro uga taal waxayna Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay caddeeyeen in aan dalka waxayba looga qaban Karin uuna u baahan yahay Qalin dibadeed maadaama dhaqaatiirta sheegeen  in aysan haysan qalabkii wax looga qaban lahaa Cali

 

Qayska Cali waa Sabool  waxay muddo ku noolaayeen Miyiga waxay dhawaan ka mid noqdeen Barakacayaasha degan Deegaan Lafoole mar aan halkaa ku booqdey Cali dhibaato ayey ku haysaa Kaadi haystiisa waxaana arkey halka kaadida soo mareyso , wuxuu ii sheegey in dharka uu xirto ay ku daadato kaadida maadaama aysan xiriirsaneyn Marinka kadida iyo qaybta Taran

 Hooyo Xabiibi Geedi Caddow ayaa si aad ah uga fakereysa wiilkeeda oo aysan u awoodi in  la tacaasho waxay ka codsaneysaa Dadka soomaalieed ee dibadaha ku nool ama kuwa Ilaah wax siiyey ee jooga dalka gudiisa iyo dibadiisa  in ay wax kala qabtaan wiilkeeda oo ay sheegtey in si fudud loo daaweyn karo haddi uu helo Qaliin dibadeed “aad baa uga xumaadaa wiilkeyga marka uu la ciyaarayo Caruurta kale  in ay ku qoslaan maadaama dharkiisa markasta ay ka qoyan tahay Kaadida “ayay tiri hooyo Xabiibo oo mar kale ka codsaneysa Dadka soomaaliyeed in ay wax kala qabtaan wiilkeeda Hadaba ciddii dooneysa in ay wax u qabtaan wiilkaas ha kala soo xiriireen Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it