Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

Soomida Bisha Shacbaan 
 

Hadaba bishaan shacbaan ee aan ku jirno waa in aan kafaa,iidaysanaa, sababtoo ah waxaa noo soo socda bishii Ramadaan ee fadligabadnayd.

 Caa,isha A.K.R waxay tiri:-Nebigu (S.C.W) bilaha wuxuu u soon badnaanjirey shacbaan,

 Marar buuna soomi jirey shacbaan kulligeed.Werin kalewaxay leedahay: wuxuu soomi jirey shacbaan maalmo xoogaa ah ma,ahee.Bukhaari iyo Muslim Sidaa daraadeed walaalayaal aan bishaan ka faa'ideysano, oo aansoonka badino inteyna bishaan dhamaan, sababtoo ah xikmado badan ayaa kujira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneysobisha Ramadaan.

 Micnaha hadaan dhawr maalmood aad shacbaan ka soontid hadhoow soonka waa kuu fududaanayaa haddii Rabbi idmo, marka sidaa darteedaan ka faa'ideysano fursadaas. Walaalayaal aan ku dadaalno bishaan Shacbaan soonka Sunnada ah, sidoo kalein aan ku dadaalno soomid Soonka Sunnada ah bil walba, si gaar ah inaan kudadaalno maalmaha Isniinta iyo Khamiista, waxaana daliil u ah Xadiiskaan:-Abuu Hurayrah A.K.R wuxuu yiri:Nebiga(S.C.W) wuxuu yiri: Isniintaiyo Khamiista acmaasha qofka baa la bandhigaa, marka waxaan rabaa incamalkayga la bandhigo anigoo sooman. (Tarmidi oo yiri waa xadiis xasanah).

 Hadii aadan awoodin inaad Soonto bil walba maalmaha Khamiista iyo Isniintawaxaad ku dadaashaa oo joogto aad ka dhigataa in aad Soonto bil walbasadex maalmood, insha Allaah waxaad helaysaa ajarkii bisha oo dhan. Haddiiaad soomaysid bil walba sadex maalmood, waxaad soonka maalmahaas kuaadisaa maalmaha bilaha muslimka ay yihiin (13ka,14ka,15ka), waxaanadaliil u ah Xadiiskaan:- Ibnu cabaas A.K.R waxaa laga weriyey in Nebigu(S.C.W) marnaba kama tegin soomidda ayaamaha nayla qaadka ah(13ka,14ka,15ka), haddii uu safar yahay iyo haddii uu negi yahayba.(Nisaa`i oo yiri senedkiisu waa xasan).

 Qofka muslimka ah waxaa u fiican in uu marka kasta uu ku dadaalo intuuawoodo Soonka Sunnada ah. '

Hadaba soomida Soonka dar Alle maxaan kuhelaynaa, Jawaabta waxaad ka helaysaa xadiiskaan:- Abuu Saciid Al-KhudriA.K.R wuxuu yiri.-Nabigu (S.C.W) qofka muslimka ahi markii uu soomohalmaalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sanoloo socdo.Bukhaari iyo Muslim Fiiro Gaar ah:-Maalin ama labo maalmood markii ay ka dhiman tahay bishaRamadaan ka joogso soomida Soonka sunnada ah, waayo waa maalmo shaki kujiro in bishii ramadaan ay dhalanayso, laakiin hadaad wadi jirtay soosunno ah waa la imaanaysaa,

 tusaale maalin Isniin aha ama khamiis ah ooaad soomi jirtay waad soomaysaa, haddii aysan dhalan bishiiRamadaan,daliilna waxaad ka helaysaa xadiiskaan:- Abuu hurayrah wuxuu yiri:- Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri " waa inuusan midkiinsoomin soon maalin ama labo bisha Ramadaan horteed, qof awel wadi jiraymaahee oo maalmihiisii uu soomi jirey, ay noqdeen ma

almahaa marka waa uusoomi karaa maalintaas). Bukhaari iyo Muslim Xasuusin: Haddii Rabbi idmo bisha Ramadaan waxay ku aadan tahay taariikhda maalin friday 21.8.2009 ama sabtida 22.8.2009. Micnaha bishashacbaan haday ku dhamaato 29, Bisha Ramadaan waa 1 maalinta Jimcada ah, haddii bisha ay ku dhamaato 30 Bisha Ramadaan waa 1 maalinta Sabtida. Ugu Dambayntii Waxaan Illaahay ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo bishaRamadaan, sidoo kale na dhigo kuwii ka faa,iidaysta soomida bishaShacbaan. Insha alaaah..

  
 Aamiin,,,,,,,,,,,,,,,,,,Aamiin,,,,,,,,,,,,,,,, Aamiin…
……..


Qore, by C/fataah  (brazil)


 

 

 

 

 

Hibaaq

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg