AudioAcrobat!
 
 E-mail

 

Maama Qaali waa sheeko cusub oo dhacdo run ah.  Waxaana idiin soo bandhigay mualifka weyn ee aad halkaan uuga barateen sheekooyinkiisa macaan, waana Abwaankii weynaa Aweys axmed abukar, oo loo yaqaano, All-Xikaayo.  Magacyada sheekada maaha dadkii ay qisadaan ku dhacday ee magacyo uu abwaanka ku badalay, si aan wax uuga kordhisano qisadaan inagoon waxba u dhimin cidii ay dhabta uugu dhacday!

Tirik Ahmed,  Wemaster 4somaliwomen.com

Maama Qaali, Qeebtii 1aad

                                 

Fahad:-  Feysal haye saaxib manta ilama fiicna wejigaadee sidee wax u jiraan arintii ayada eheed miyey kuu suura gashay mise weli waxa kuugu adag sidaat jaceelkaada ugu bandhigi leheed?

Feysal:-   Saaxib runtii wey igu adagtahay sidaan ugu bandhigi lahaa oo waxaad moodaaba markaan dhankeeda aado ee aan is irhado la hadal in wadnuhu si aan marnaba cadi eheen u bood boodaayo waxaa taa ka sii daran dhidid aan marnaba cadi eheen ayaa iga da aaya oo anoo dhan waan wada qoyayaa alla jaceelku daranaa

Fahad:-   Runtii saaxab jaceelku midka ugu xanuunka badan uguna halista ween ayaa ku heley kuna haaya gabadhaad jeclaatayna waa gabar mudan in lajeclaado oo waaruux afgaabanoo aan hataa cidina hadal ku darsaneen ama aan lamaqleen hadalkeeda, aad ii aad eyey u xishood badan tahay ardeyda galaaska ugu heysta dhanka waxbarashadana wey tahay ee saaxib intaad isyara giijiso u bandhigo jaceelkaada laba mid midood eyey noqon in ey kuugu raacdoo wax kula qabato iyo in eey kuu deeriso oo aad go aan ka gaarto laakin sidatan ma wanaagsan ee saaxib bal tasho .

Feysal:-  Saaxib waa runtaa sidatani talo manoqoneeso waa inaan geesinimo muujiyaa hana ila yaabin saaxib moowjad aad u culus ayaa  isaaran runtiina uusan jirka xamili kareen haduu alle idmo berito arintu si un eyey noqon

Fahad:-   Waarun saaxib waana dareemi karaa jaceelkuna waa  moowjado badan yahay kalana culus yahay kan adiga ku saran dad badan ayuu qabri geeyey ee saaxib ineey goori goortahay cadkaada dhacso horaa loogu maah maahay intuu uurka buki lahaa adimanka hadaalaan ee saaxib fadhiga kakac .

     Feysal waxuu aad ii aad u jeclaaday gabar ey isu galas yihiin runtiina uu rabi ku maneestey adaab degenaan sharaf iyo dulqaad waa ruux xishood badanoo hataa ereyada afkeeda kasoo baxaaya markeey hablaha saxaibadeed la sheekeesaneesa aan lamaqleen. Feysal waxaa aad ii aad ugu adkaatay siduu jeceelkiisa ugu soo bandhigi lahaa Qamar

     Qamar waa gabar ilaaheey u dhameestiray heebad iyo asluubna leh waxaa dhashay hooyo wadanka oodhan caanka ah aadna loo ixtiraamo qadarin iyo qiimabadana ku leh dadweenaha soomaliyeed. Feysal waxuu go aan sadey inuu waraaq u Qamar waxuu hadba fikiro ama ereyo isku aadiyaba waxuu qoray waqrqad  uu ku sawiray ubax aad ii aad u qurxoon kuma uusan qorin cida ey ka socoto ama ey ku socoto, asagoo taana u yeeley hadii warqada waalid keed arko aanan lagaran cideey ku socoto ama kasocoto waxuu qoraalkiisii ku bilawaay ama ey warqada u qorneed sidatan.

 

                           Sahankii nafteyda

Sahansigii nafteyda sir iyo cad anoo kala ogsoon waxa sadrigeyga kuyalee ku suluugan qalbigeyga hadaan kuugu sareesto si walboodhacdo ma u samri kartaa?

Abaayooy masamru jaceelku sulux suluxna maqaato sohdin tii ruuxii soogalaana su aalaa ku soo soofta,   su aashayda dhamaan si wacan u dhuux sahankaan sababtaadaan u soo qoray sadri aan kala go een ilaa suurtii qiyaamo.

Saakay waa bariiskii salalay oo sariirtii ka toosay sawirkaadaa I hor yaalay surnaa agteyda, salanka markaan u dhiibayna riyaa I sasaweesoo cidina ima hortaagneen

Adigey isitoo nafteyda u soomantehee sacabada ma is qabsanaa oo macaan qarsinka mawadaagnaa ?  

    

Intaa markuu qoray ayuu intuu bashqad geliyey go aan sadey in uu berito qamar farta ka saaro

 

 

Lasaco wiiga xiga iyo taxanaheenii ahaa

Mama qaali

Waxaa qoray Aweys axmed abukar

      

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 

Digniin 

Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo5.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan