|
DHUUBANEEY DHOOLASHAADI AAWAY? Waa Qiso Qosol Badan 
Cabdisamad Jaamac wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo ku wado gaadiidka xamuulka dalka Mareykinka. Wuxuu saran yahay gaari weyn asbuuca intiisa badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo joogo meel lagu nasto ee ku taalo Highwayga, ayuu arkay labo gabdho oo isla socdo, gabdhahaas oo mataano u eg. Wuu u yimid wuxuu ku casumay in ay qado la cunaan. Gabdhihii waa ay ka aqbaleen oo miis ayey wada fadhiisteen. Cabdisamad ayaa wuxuu la yaabay sida ay u cad cad yihiin dhoolasha gabdhaha midood, wuuna ka helay. Cabdisamad iyo gabdhihii ayaa is weedaarsadaay numbarada taleefoonadooda waxeyna isu balan qaadeen in ay wada xiriiri doonaan. Bill ka dib ayaa Cabdisamad oo xamuul ku dajinaayo magaalada Columbus soo xusuustay in ay halkaan ku nooshahay gabadhii dhoolasha cadeed, markaas ayuu ka eegay numbarkeeda, moobeelkiisa. Cabdisamad iyo Isterliin casho ayey isu raaceen oo habeenkii oo idil indhahiisa ayuu ka qaadi waayay dhoolasheeda ifaayo. Cashadii markeey dhameesteen ayuu Cabdisamad weydiiyay magaceeda waxeyna uugu jawaabtay Istarliin. Cabdisamad iyo Isterliin xiriirkooda wuu sii fiicnaaday oo dhowr jeer ayey kulmeen oo ay si fiican isu barteen. Cabdisamad oo jaceelkiisa celin waayay ayaa u sheegay Isterliin in rabo in uu guursado oo uu reerkeeti ka doonto, Isterliinna weey ka ogolaatay.Labo bil ka dib, Cabdisamad wuxuu guursaday Isterliin oo waxey ku aqal galeen Magaalada Columbus. Waxey Kireesteen “Honeymoon Suite” ku taalo hotel weyn. Isterliin ayaa Cabdisamad oo hurdo soo toostay oo suuliga gashay, Cabdisamad ayaa soo toosay ayadoo ay Sterliin weli suuliga ku jirto, markaas ayuu bilooway in uu sameeyo coffee.Miiskii uu saarnaa machineka kofiga sameeyo ayuu ku arkay koob waraaq ka sameysan oo uu mooday in uu qashin yahay, isagoon fiirin ayuu qashinka ku riday.Wax yar ka dib Isterliin oo soo qubeeysatay oo is soo carfisay ayaa suuliga ka soo baxday, markaas ayey Cabdisamad weydiisay in uu arkay koob caanshi ka sameysan oo miiska saarnaa.Markaas ayuu uugu jawaaway, “haah waan arkay oo aniga ayaa qashinka ku riday”.Cabdisamad markii markii uu sii fiiriyay Isterliin wuxuu arkay in uu afkeeda maran yahay oo dhoolashii cadcadaa ee uu dareereeda u guursaqday Isterliin ayuu afkeda ka waayay markaasuu ku yiri, “Dhuubaneey Dhoolashaadi aaway?”Isterliin oo xoogaa careysan ayaa uugu jawaabtay, “soo maaha kuwaad adiga qashinka ku riday.” Markaas ayuu gartay Cabdisamad in uu tuuray Isterliin ‘Dentures’keeda oo dhuulasheeda cadcad ay ahaayeen ilko caag ah. Wuxuuna sii ogaaday in ay Isterliin dhali karto oo ay hooyadiis ku da’tahay in kasto uu jirkeeda weli ishaayo oo muuqaalkeeda iyo labiskeedaba ay ka dhigaayaan dhowr iyo labaatan jir. Gabartii la socotay Isterliin maalintuu baranaayayna ay ahayd gabadheedi. Waaga Markaas ayuu ku baryay Cabdisamad oo uu garan waayay waxa uu sameeyo. Qashinkii ayuu gacnaha la galay oo uu ka raadiyay koobkii ay ku jireen ilkaha Isterliin.Cabdisamad iyo Isterliin weli waa ay is qabaan oo labo caruur ayey u leedahay, waxaana isku jin ah labadood caruur iyo kuwa ay dhashay gabadheeda. Ilmaha Isterliin markey cuntada cunni waayaan ayaa ilkaha Isterliin miiska loo soo saaraa oo lagu cabsisiiyaa. By: Siciid Kaahin
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
, San Diego, CA, USA DiGNIIN Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws). Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso. Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.
|