|
Muragadii Jacaylka maxaa keenay rafaadka Qaybtii 5-aad Faa’isa oo garan la’a waxa ay aabaheed ku qancin lahay ayey soo raacday ayada oo caga jiideeysa waxa ayna fadhiisteen jardiinka hore ee guriga hortiisa, Aaba jaamac gabadhiisa waxa uu ugu sheekeeyaa xaalada ay hooyadeed iyo Aabaca ay soo wada mareen balse faa’iso ma ahayn mid sheekadaa ay ku socoto.
Aaba Jaamac marka uu arkay sheekada ineysan xiisad u laheyn gabadhiisa ugu sheekeeynayo ayuu waxa uu ku yiri Faa’isa si aan xaaladaada u badalo todobaadka dambe waxa aan u amba baxeeynaa Dubai, Yaaaah Aabe xagee maxaad tiri, Faa’isa naxdin ayey ku noqotay ereyada Aaabaheed ka soo yeeray, talo ayaa ku cadaatay Aaba Jaamac oo filayey in ay Gabadhiisa ku farxi doonto hadaladiisa balse ma aysan noqon taas, Aabe Aabe ma doonayo in aan safro waayo Aabe imtixaanka ayaan doonayaa in aan noqon mid ka gasha kaalinta 1aad ee Aabe naga haki safarkaan deg dega ah. Aabe Jaamac oo ku maqan gadhiisa isla markaana layaaban intii ay hadleysay ayuu waxa uu ku yiri Aabe hadii aadan wax ka badalin jawiga aad ku jirto wax walba oo daawo kuu ah waan ku dhaqaaqayaa, intaa ka dibna waxa uu Aabe jaamac ku laabtay qolkiisa. Faa’isa oo wali ku sugan kaabadii ay fadhiyeen iyada iyo Aabaheed ayaa waxa ay bilowday in ay isla hadasho, HAA Waakan Gacaliyaheygii baashina gacan kuma hayo !!!! laakiin waa in aan raadiyaa saaxibadey Ladan si aan ula tashto arrimahaan cusub ee ila soo darsay isla markaana aynu u raadinaa Gacaliyaheeyga. Faa’isa oo qalab aruursatay ayaa waxa ay cagta la heshay wadadii ay u mari laheyd saaxiibadeeda Ladan, intii ay dariiqa ku sii jirtay ayey meelo badan iska tustay sidii ay u arki laheyd Baashi, Faa’isa oo isku maqan ayaa waxa ay isa soo hor taagtay aqalkii saaxibadeed Ladan, markii ay u soo gudubtay gudaha guriga ayey waxa ay isha la heshay Ladan oo markaa iyadu daawaneyso TV , “Alla Ladaneey saaxiib ma filim baad daawaneysaa, waad I nacday saaxib miyaa maxaad iigu imaan weysay”.
Ladan oo mar qura ku soo baraarugtay dhawaaqii saaxiibteed Faa’sa ayey isku soo boodeen, “ Abaayo kuma nicin ee waan mashquulay, saaxiib soo fadhiiso. Ladan iyo Faa’isa oo gacmaha is haysta ayey wada fadhiisteen kuraas markaa halkaa tiilay waxa ayna u guda galeen in ay is wareystaan, sheeko gaaban kadib waxaa lagu soo biyo shubtay waxyaabihii ay kala kulantay Aabaheed, waxaana la isla meel dhigay sidii lagu raadin lahaa Baashi.
La soco toddobaadka dambe BY:YAASMIIN MAYOOW
|