Ururka Warbaahinta Nabada iyo Horumarinta
Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho-
Hotelka Bakiin ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay urur cusub oo saxaafadeed, kaasoo lagu magacaabo Ururka warbaahinta nabada iyo Horumarinta Soomaaliyeed (SOMEPED), iyadoo xoghayaha guud ee ururkaas uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan horumarinta saxaafadda iyo nabadda-
Munaasabadii looga dhawaaqayey ururkaasi ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay ururada Bulshada rayidka Soomaaliyed iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kuwaasoo dhamaantood u hamabalyeey ururkaasi cusub, una rajeeyey inuu ka lib keeno ujeedooyina loo aasaasay.
Mustafa Xaaji Cabdi-nuur oo dhawaana ka soo laabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka oo uu ku soo qaatay abaal marin ay gudoonsiisay hey’ad caalami ah ayaa sheegay inuu ugu talo galay sidii uu u horumarin lahaa saxaafadda Soomaaliya iyo Suxufiyiinta ka howlgala, wuxuuna carabka ku dhuftay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ay kaga doonayaan caalamka.
"Ururka SOMEPED (Somali Media for Peace & Development) waxaan ku dhisay fikrado aan ka helay dad aan saaxiibo ku nahay warbaahinta, waxaana doonayaa sida magaciisa ka muuqata inaan ku taakuleeyo bahweynta Saxaafadda Soomaaliyeed" ayuu yiri Xoghayaha guud ee SOMEPED Mustafa Xaaji Cabdi-Nuur.
Sidoo kale xoghayuhu wuxuu sheegay inuusan ururku ahayn mid lagu doonayo dhaqaale uuna kaashan doono dadka Soomaaliyeed iyo ururrada kale ee saxaafada oo ka jira Somalia, si uu u gaaro hadafka loo dhisay.-
Islooganada ururka oo loo qaybiyay saxafiyiintii kasoo qaybgalay kulanka oo tiradoodu ay gaaraysay 40-qof ayaa lagu sheegay in ururkan uu u taagan yahay Nabadda Warbaahinta iyo Horumarta Soomaaliyeed.
Mustafa ayaa ahaa suxufigii Soomaaliga ahaa ee ka mid noqday suxufiyiin lagu guddoonsiiyay dalka Mareykanka abaalamarinta suxufiyiinta ka shaqeeya adduunka gaar ahaan meelaha ay rabashaduhu ka jiraan, isagoo dib ugu soo laabtay dalka.-
Ma'suuliyiin saxaafadeed oo ka hadlay xafladda ku dhawaaqidda SOMEPED ayaa dhammaantood waxay sheegeen inay garab istaagi doonaan ururka cusub ayna ka rajeynayaan inuu isbadal ku sameeyo warbaahinta nabadda iyo suxufiyiinta intaba.-
Xoghayaha Guud ee SOMPED Mustafa Xaaji Cabdi-Nuur ayaa gabagabadii xafladda ka dalbaday dhammaan ururrada saxaafadda iyo suxufiyiinta inay talooyin kusoo biiriyaan ururka, kaasoo wax badan ka qaban doono xaaladda suxufiyiinta dalka.
Ururka warbaahinta nabada iyo Horumarinta Somaliyeed ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili ay horey uga jireen magaalada iyo dalka intiisa kaleba ururo badan oo saxaafadeed, isla markaana dhinaca kale ay sii kordhayeen xad gudubyada lagu hayo warbaahinta, lamana oga waxa ururkani cusub uu kaga duwanaan doono kuwii hore, kana bedeli doono xaalada cakiran ee ay ku shaqeynayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it