AudioAcrobat!
 
 E-mail

BURAANBURKA SHUKRI QIIMO WEYN IYO QIIRO WADANIYADEED.

 

  Sugaanta Somaaliyed kaalin weyn oo culeeyskeeda iyo
Ahamiyaeeda leh ayeey ka soo qaadatay halgaankii xoriyada
xiligii isticmaar la dirirkii waana lama illaawaan habkii
kicineeyd,wacyi gelineed iyo dhiiri-gelineed ee Abwaanadii
Sida-Halyeey-C/Laahi Suldaan Tima-Cade,Halyeey Careeysa Issa
Kaarshe,Barkhad cas,Cusmaan Yuusuf Keenadii,Xaaji Af-Qalooc
Hayeey-Cali Mire Cawaalle iyo Shakhsiyaad badan oo dhigooda
ahaa iyadoo Haweenkuna doorkooda iyo kaalintaba lahaayeen,
waxaana oranka sugaanta Somaaliyeed kaalin libaax ayeey ka
soo qaateeyn hagankii xoriyada iyo intii ka dameeysayba.


Buraanbur Qeybtii 1 aad
     Inkastoo aan si weyn u dhaliilo una dhaleeceeyo doorkii
ama kaalintii wadaniyadaeed,masuuliyadeed ee bahadda Fanka
iyo Sugaanta Somaliyeed ka saarnaa Dalka iyo Dadkooda hooyo
xiligan burburka oo doorkoodu ahamiyad weyn lahaan lahaa
dhanka wacyi gelinta iyo nabad ka shaqeynta iyo isu soo
dhoweeynta Ummadda Somaaliyeed oo si weyn u kala bahdeey
ama u kala fogaatey,lakiin ayaan daro weyn si weyn ayaa loo
tebeey kaalintaas in kastoo xoogaa dadaal ah oo hab shakhsi
ah qaarkood muujiyeey kulumo iyo shirarna Sugaan Musaanasab
ka jeediyeey ama heeso kooban qadeen,hadana Ummadu intaas ka
badan ayeey kama mudan-tahay runtiina ka sugeeysay,abwaanada
waaweyn gaar ahaan balse kuwo dayacay kana seexday kaalintii
ku habooneyd dheh-is difaac waa jiri karaayaa,laakiin runtii
Jawaab qancisa Ummadda Somaaliyeed bahda Fanka iyo Sugaantu
ma heli karayaan.


Buraanbur Wadani Qeybtii 2-aad
     Allah ayaa Dadkiisa hibo gaar ah u kala siiyeey habka ama
Hanaanka Af-hatan-nimo balaaqaada hanaan Sugaan-yaqaanimoba
waa arrin ahamiyadeeda leh-SHUKRI waa Muwaadinad Somaliyeed
oo leh damiir wadaniyaed,daeen Dalka jeceyl iyo qiiro weyn
iyo weliba biseyl qof ahaaneed eey kaga xoroowdeey cudurka
Dilaaga ah Naceybka weyn(Qabyaalada)Raxmaanku ugu deeqay 
Garaho wanaagsan iyo aragti deer,kana soo curiyeey xikmad
balaaran iyo sugaan si dhab ah uga turjumeeysa dhibaatadda
iyo xaalada qalafsan oo xiligan Dalkeena Hooyo iyo Dadkeenu 
ku sugan yihiin oo ah mid qof walba Dariir iyo Dadnimo leh
uu dareemaayo si weyna uga xun yahay,maan-gaabna waxba ha
weydiin,Burraanburka 3-da qeybood ah oo eey curisay Shukri
halkna ku lifaaqan waa mid taabanaya qalbiga,caqliga iyo
caloosha waana tubucyo xiriir ah oo xaqiiqada ku saleeysan
Tusaalle iyo tilmaan cad u ah guud ahaanba Ummadda,Xikmad
buuxda waano iyo dhiiri-gelin wadaniyadeed.
Buraanbur  Qeybtii 3-aad
   Qof kasta oo so fiican u dhegeeysta una dheehda erayada
iyo qiimaha weyn  buraaburkaasu xambarsan yahay iyo qiirada
cod Shukri ku lamaan hadi wuu yahay qof nool shaki kuma jiro
in Ilmo indhihiisa buuxineeyso,feker weyn wuu gelayo iyo soo
Xusuusasho Dalka hooyo isla markaana wuu su'aalo badan eey
ku soo dhacaayaan Maskaxdiisa,Shukri waxeey cabirtay heerka
iyo baaxadda dhibaatau gaarteey,xanuunka ina saameeyeey oo
aan ilaa hada daawadiisii muuqan,dagaalki iyo colaadii weli
sii socoda,dhiigeenii oo weli qubanaya,dhaawacii meel walba
buuxiyeey,murgadda iyo tacsida oo guri walba taal, qaxinta
ama bara-kicinta oo joogto ah iyo weli sida garasho xumo iyo
Daciifnimo ina heeyso(Qabyaaladii Aduunka la wareegeeyno),
Daleenii 20-Sano sidaas yahay-Ayaan Darro,Hadii Caqli jirro
ma Damiir nool jirro ama qof qiiro wadaniyad leh jiro waa
in wuu Tusaalle iyo tilmaan u soo qaataa Sugaanta Wadanigga
ah ee Shukri Qaran,kuna dadaalaa u adeegidda Dalkiisa hooyo
iyo Dadkiisa Masuuliyad weyna iska saaraa ka shaqeyn xal u
raadiinta dhibaatadda waqti dheer qaadatay oo ah mid eeynu
Inagu abuurnay hadii eeynu nahay Somaali.
 
 
Gunaanadka Qormadan gaaban waxaan leeyahay
Wadniyada weyn,Somaaliyada Xalaasha ah,Sugaan-yaqaanadda ah
Buraanbur qiimo weyn,xaqiiqada taabanaaya tallo iyo tusaalle
dhab ah ku jiraan waad noo sheegtay-Shukri Mahad-celin marka
hore fadlan halkaasna ka sii wad gudashada masuuliyadaadda
Wadaniyadeed,Taariikhduna weey qori qof walbaa Wixii wuu u
galay Dalkiisa iyo Dadkiisa Wanaag iyo xumaanba,Labadaaduna
kala Wacan kala qaalisan-Shukriyeey Adigu Kaalinta Wanaaga
iyo Wadniyada ayaad baal dahab ah kaga qoran tahay-Allah ha
ku Xafido,Fadlan ha naga gooyn Wacyi gelinta, Tusaaleeynta
iyo soo nooleeyn Dariirka iyo Caqliga seexday ee Somaliyeed.
 
 
 
-Qalinkii-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Englnad-UK- 19/01/2010-
 
 
 
 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsi_waberi5.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan