AudioAcrobat!
 
 E-mail

Madaxda Mustaqbalka, (Future Leaders of Somalia)

   

Waxaad moodaa in ay dad badan walwal ku heyso cidii Soomaaliya u soo bixi lahayd oo noqon lahayd madax leh;  diin, aqoon, dhaqan, qiimo, sharaf, halabuur, iyo wax soo saar.

 Marka hore aan taariikhda dib uugu laabano oo aan u laabano xiligii gumeysiga oo aan xusuusano dhamaan madaxdii ama hogaamiya yaashii Soomaaliyeed ee bilaaway halganka xuriyada Soomaaliyeed, markaasna aan ku xijino kuwii ku xigay oo iyagana dhaliyay xuriyada Soomaaliyeed iyo dawladihii shacabka ay soo doorteen ee dalka maamuleysayna xiligii ka horeeyay xukunkii militariga iyo xitaa dawladii Siyaad Barre.

 Waxaad ogaaneysaa in dhamaan hogaamiyayaashaas ama madaxdaas ay ahaayeen dhaliyaro Soomaaliyeed oo wadaniyiin dhab ah oo qaarkood ay naftooda u hureen halgankii ummadda Soomaaliyeed iyo dhisidii qaranka.

Waxaa nasoo maray 20 sano oo ah mugdi iyo Jaahilnimo. Waxaana u sabab ahaa xoogaamiyo kooxeed aan  fahamsaneen qaranimo waxey tahy iyo dawlado aan tayo lahayn.

Aniga rajadeydi waxaa dib u soo nooleeyay markaan arkay in ay weli jiraan dhalinyaro badan oo wax ku barto dalka gudahiisa iyo dibadiisaba oo ay ku danbeyso qaranimo dhab ah oo diyaar u ah in ay naftooda u huraan dalkooda.

Hadii aad rabto in aad ogaato madaxda Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.  Waxaad si gaar ah u fiirisaa ardayda da’dooda ay u dhaxeyso 20ka ilaa 30ka ee dhigta Jaamacadaha. kuwaas ayaa badankood madax u ah ururo dhalinyaro ama ururada ardayda jaamacadaha ay dhigtaa.

Waxaan rabaa in aan tusaale u soo qaato Arday magaciisu yahay Yaasir maxamed Baffo oo wax ku barto dalka Malaysia.  Yaasir, waa arday Soomaaliyeed oo waalidkiis ay u dirsadeen in uu wax ku soo barto dalka Malaysia.  Dadaalkiisa kuma koobno in uu wax barto oo kaliya, balse wuxuu ku darsaday in uu dhowr sano qabanqaabiyo dabaaldagga  maalintii xuriyadda Soomaaliyeed ee lagu qabto Jaamacadaha dalka Malaysia, wuxey dhowr jeer soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale Jaamacaddaha Malaysia  ayaa aad looga bartay cuntada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan. Yaasir iyo ardayda kula jirto gudiga ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaas ayaa waxey ku guuleesteen dhowr jeer tartan Hiddaha iyo dhaqanka oo ay kula tartameen arday kale oo ka kala timid waddamo kale.

Yaasir oo ah arday aan ka daalin wax u qabadka ummadda Soomaaliyeed, ayaa mar walbo uu firaaqo yar yeesho u adeego dhamaan ardayda rabto in ay u timaado dalka Malaysia waxbarasho, isagoo had iyo jeer diyaar u ah wixii warbixin ah oo ay rabaan. 

Yaasiir waxaad moodaa in uu ka shaqo badan yahay Safaarada Soomaaliya, waayo wuxuu kaloo warbixin buuxdo siiyaa ganacsatada Soomaaliyeed ee rabto in ay ka ganacsato, Malaysia,  Indonesia iyo Thailand.

Yaasir wuxuu ka qeeb qaataa shirarka looga hadlaayo arrimaha dhalinyarada Soomaliyeed, kuwa nabada iyo kuwa aqoon yahanada Soomaaliyeed.  Wuxuu dhawaan ka qeeb qaatay shir dabaayaqadii sanadkii hore lagu qabtay Mombasa 6-12 Dec. 2009 loogana hadlaayay sidii Soomaaliya sidii loogu heli lahaa xal nabadeed oo waara.  Waxaa sacab loola istaagay markii uu Yaasir Baffo ka jeediyay shirkaas qudbad qiiro badan taabaneesana meelo badan oo dhanka hormarka iyo in talaabo cusub loo gudbo, waxuusi aad ugu nuux nuuxsaday in dadka Soomaaliyeed lagu abuuro hami ama aragti nabadeed oo qof walbo Soomaaliyeed meel walba uu joogo tiigsado kana dhigto astaan xiligii ay Soomaaliya ka bixi laheyd mugdiga ay ku jirto (vision). Sida ay website-yada badi soo qaateen qudbadii Yaasir ee vision nabadeed in loo sameeyo Soomaaliya.

Dalka Mareykanka waxaa u soo baxay Obama, annaga waa in aan siinaa fursad dhalinyarada la midka ah Yaasir Baffo, ee leh;  aqoon, dhaqan, qiimo, sharaf, halabuur, iyo wax soo saar.  Waana kuwa kaliya ee na hogaamin kara soona celin kara sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.  Magaalo walbo waxaa ku nool dhalinyaro sida Yaasir u bisil ee waa in aan iyaga maamulka u dhiibnaa.

 

Waxaa Qoray

Tirik Ahmed

Webmaster , 4somaliwomen.com

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo8.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan