Deeq lacageed oo la soo gaarsiiyey dad barakacayaal ah gabdha ku nool dalka holland oo deeq lacageed soo gaarsiiyey dadka barakacayaasha
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaa waayadaan dambe looga bartey in ay caawiyaan dadkooda ku dhibaateysan Gudaha waxaa Tabarucaadaas ku faaiidey dad badan oo u baahna Gacan Baniaadanimo hadaba iyadoo taasi jirto ayaa gabdho samafalayaal ah oo ku nool dalka Holand waxay deeq lacageed soo gaarsiiyeen dad gaaraya Ilaa 30 qofood oo u badnaa Haween kuwaas dhowr jeer ka barakacay Deegaanadoodii  Deeqdaan oo ka koobneyd 500 oo Doolar ayaa reerkiiba la siiyey 500 oo Shilin Soomaali ah waxaana Deeqdaa loo soo wakiishey Haweenka kala ah Sahro Maxamuud Axmed iyo Saciido Tooxow Maxamed oo iyana ka Wakiil ahaa Khadiijo Aadan Maxamed oo ku Nool Dalka Holand waxaana iyadana soo Wakiishey Hablo kale oo soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holand  Deeqdaas ayaa la siiyey Quysas aad ugu baahnaa waxaana mid mid u Gudoo siiyey Maama Sahro oo sheegtey in Deeqdaan ay ahayd mid Tijaabo waxayna sheegtey in Deeqo kale la soo gaarsiin doonaan haddii Eebbe Idmo Haweenkii loo qaybiyey Deeqdaas ayaa u mahadceliyey intii soo dhiibtey waxayna Ilaah ugu baryeen in Xoolahooda u barkeeyo waxay kaloo u mahadceliyeen intii loo soo wakiishey waxayna ka codsadeen Gabdhaha ku nool Dalka Holand in ay sii laba laabaan Deeqa noocaan ah waayo ayey yiraahdeen waxaa deeqdaan la soo gaarsiiyey dad u badan Haween kuwaas oo u nugul Dhibaatada ka socota dalka iyagoo sheegey in ay heleen Xilli ay u baahnaayeen Diinta islaamka ayaa na fareysa in Muslimiinta markasta isu gargaaraan waxaana wanaagsan in markasta laga warqabo Haweenka iyo Caruurta oo ah kuwa markasta ku dhaceysa Dhibaatada Sahro iyo Saciido oo ahaa kuwii loo soo wakiishey qaybinta Deeqdaas lacageed ayaa iyana u mahadceliyey Gabdhihii isku xilqaamey in ay u gargaaraan walaalahooda ku dhibaateysan dalka waxayna qaybinta Deeqdaas u dhacdey sidii loogu talagaley W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|