|
DHALINTII DHAKAFAAR SANEED QEYBTII 1 AAD Duurgal:- Haye aqyaarta maanta waalakala baxayaa waa inaan sedexdeenan wacadarihii aan soo marnay iyo geesinimadii aan muujinay maanta liisu soo bandhigaa si loo ogaado midkeena ugu geesisan uguna raganimada badan. Qoorleexshe:- KKKKKK magaceygaad ka garan geesi nimadeyda ee saaxib adigu bal inoogu horee bal aan dhegeesano waxaad sameesee aad geesi ku noqotay saas soow maahan saaxib dulmi. Dulmi:- Waaruntii bal adiga inoogu horeeyoo soo daadi waxaad soo martay sedexdeenaan waaynu kala baxeenaa waatan xigmo ayaa inoo kala garqaadeesee.
Duurgal:- Anigu taan soo maray idin sheegee waxaa iigu darneed geesinimana liigu tilmaamay waqti duhura ey cad ceedu darantahay ayaa anagoo afar bala ah oo sidano afar qoriyoo bala ah ayaa waxaa inaga hor yimid afar kaloo bala ah markasaan balo iska dhignay oo xabad ooda iskaaga qaadnay kaligeey ayaa kasoo haray markasaan qoryahii oodhan soo wada aruursaday bal geesi inaan ahay ma mid idinka qarsoonbaa.
Qoorleexshe:- War taasi geesinimo maahee aniga idhageeso anigoo shiida asxaabteydana ey iga darantahoo isbuuc aan isbaradeena waxba kusoo dhicin ayaa waxaa dibada ka timid walaasheey markasaan gabaryaroo ey dhashay aan abti u ahaa intaan kasoo kaxeyey ayaan asxaabtii u geyey kadibna ayadii kusoo laabtoo aan iri gabadhii moorayaanbaa heysatee lacag bey rabaanee bal wax un raadi inteysan gabadha inaga dilin markaaseey inteey marada tuurtay asxaabtedii ladegened qurbaha u cawaadey oo intaa oo lacaga losoo diray markasaan intaan lacagtii ka qaadey asxaabtii u geeyey gabadhiina kasoo kaxeeyey ayaan u keeney, intaan asxaabtii ku laabtay ayaan qori cajiboo aan watay ooda ugu qaadey ileen igama filenee markaan dhagta dhiiga u daray ayaan lacagtii kasoo qaatay iyo qoryaheey siteen soow aniga kaama geesa sani nin ragoo geesi ah soow ma ihi
Dulmi:- Waxaas geesinimo maahan hadalkiina waa shibiryahoow heesa hees macaan heesa ee bal aniga idin sheego geesi nimadeyda, aniga markaan dhashay ee aan weli hataa liiga meeyrin biyahii iyo dhigii aan kudhashay ayaa hooyadeey iigu tiri naas keyga kusiin maayo jeeraad naagtaa umulisada ah ee hada ikaa dhalisay aadan igaaga soo qaadin lacagtii aan siiyay markasaan qori faal ahaa oo meesha yaalay intaan laboodey naagtii umulisada eheed ku kala jeexey lacagtiina kasoo qadey markaaseey hoyadeey iigu yeertey gaasi baatahay ilaah igama kaa qado bal kawaramo anigoo yar ayaa magacaa ii baxee soow idinkama geesasani,
Balxigmooy sedexdeena waxaan ku hadleeney waad maqleesee keebaa ugu geesisan inoo sheeg. Xigmo:- Waxaad ku hadleesaan maahan geesinimo waa nacasnimo inagu habsatay ee dhalinyarooy sidatan dan inooma ehee su aal ma idin weediin karaa.? Haaa ina weediii
Xigmo:- Dhalinyarooy maduni aaqir samaan baan ku jirnaa? Madiintii baa suushay? Madadkii baa doorsoomay Mise anagaa dayacanoo danteenii garan la? oo hadaan wadamadii shisheeya joognana intaan wax baran leheen miyaan is fahmi lanahay. waatan liisku raacey qolo qolo oo waxaad maqlee jaliyada reer hebel ii jaliyada reer hebel aawey caqligii iyo diintii aan ku dhalanay? ma sidan ayaa inoo dana?
Duurgal: KKKKK maxey tiri maduni aaqir samaanbaa xigmooy. Madaxa markaan soo taagoon muruq maal ismoodey maamul ii kala danbeen midna maan arag moorayaan is eryaneesoo magac iskuugu faaniyo qabiil ayaan kusoo koree murugada inaad inaga deyso mirqaanka hanaga jibinee midkeena geesiga ah inoo sheeg.
Dulmi:- Waaruntii ana aan kuusii cadeeyee Muqdishoow ineey magaalo eheed iyo meel gudcuroo liisu ugaarsado anigu maan kala garan mid yar kaa su aalee meeye waxgaradkeediyo magaca somali ragii usoo dagaalamay bal wax inooga sheeg
Qoorleexshe:- hadaba idhegeesta gabadha wey inaga qumantahoo meel fog ayay wax inooga tilmaami ee aan mid idin sheego Calankeenii macaanaa ee miyi iyo magaalo meelwaliba ka muuqdey markaan muuqiisa weyney ayaa murugo inoogu horeesey maxbuus ineynu nohoo meelaan ku harsaniyo makaan aaynu leheen ma muranbaa idinkaaga jira? maangaab milkiile is moodey ma ulif iyo indheer garad midna inuusan qadarineen ma muranbaa idinkaaga jira? hadaba soomaliyeey magaceenii lunyee madibka ma iska badalnaa.
Xuriyo:- Waxaad maantoo dhan ku hadleeseen waan idin dhageysanaayay oo gadaashiina ayaan taagnaa dhaliyarooy dhacdo weeye tan ina heysatoo dhabanaheys mudan, dhaqan iyo caado inooma ahan inaan sida dhurwaayga isu cunoon dhuuniga raacnee dhabihii toosnaa ka habaawnee anagaa dhalintii wadanka ehee dhabtii ma isla raadinaa? Lasaco wiiga xiga iyo taxanaheenii ahaa DHALINTII DHAKAFAAR SANEED W/Q Aweys axmed abukar all_xikaaya
DiGNIIN Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws). Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso. Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.
|