Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

Fadlan wallaal Alle Dartii Ma u kafaalo Qaadan kartaa Agoontan IYO hooyadood oo Indhool AH?

 

مثل الذين ينفقون أموالهم  في سبيل الله كمثل حبة أنبتت سبع سنابل  في كل سنبلة مئة حبةوالله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم)

Kadib bur burkii qarankii somaliyeed waxaa la waayey dhamaan ilihii adeega bulshada sida Goobihii Caafimaadka, Daryeelka dadka Liita, Waxbarashadii, kala danbeyntii iyo haykalkii dawladeed ee qaranka Somalia.

Haddaba dhibaatooyinka ka jira dalka waxaa inta badan dhib aan caadi aheyn ka soo gaadhaa dadka danyarta ah gaar ahaan kuwa aan laheyn cid u soo ridda nolol maalimoodkooda.

Hooyo Canab Jama Xassan waa hooyo danyar ah isla markaan indha la waxaaney haysaa caruur tiradoodu gaadheyso 7 caruur ah kuwaas oo dhamaantood agoon ah.

Hooyo canab waxaa caruurtan kaga tagey inanteeda ruqiya waxaaney uuga tagtey kadib markii ninkeedii geeriyoodey noloshiina adkaatey iyadoo markaa niyada ku haysa u soo xoogso oo meel halkan dhaanta uugu arsaaq raadi hooyadii caruurtan dhashay waa la laayahay wali allaankaa waxaana imika ciyaalkan haya Hooyo Canab Jama oo ayeeyo ama mocooyo u ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan booqdey xaafada ay dagan yihiin caruurta agoonta ah iyo ayeydood Canab ugu horeyntiiba waxaa indhahegu qabteen guryo yar yar oo ka sameysan dhar iyo looxaan la isku geeyey kuwaas oo loo yaqaan Buulal.

Waan ka sii gudbey oo waxaan isku dayey inaan horey I sii socdo waxaan sidoo kale arkey hooyo Canab oo indha la caruurtuna ku qaylinayaa iyadoo markaa ay u gargaareyso gabadh jaarkeeda ah siineysana quraac,

Waxaa aan waydiiyey hooyo canab maadaama oo aad indho laadahay sidee ayaad ciyaalkan u kala haysaa oo aad biilkooda uugu heshaa?

Waxa ay iigu jawaabtey ma shaqeeyo caruurtana waxaa illa hayya wiil aan dhalay oo 16 jir ah kaas oo sida dumarka uugu adeega masaariiftoodana waxaanu ka helnaa jaarka oo iyaguba ah kuwo aan wax sidaas ah na dhaamin waxaaney noo keenaan wixii kolba nooga go,aya haddii ay tahay Quraacda iyo Qaddada Cashana hadalkeedba daa,

Hooyo Canab waa hooyo degan magaalada hargeisa gaar ahaan xaafada Kililka waxaaney ka soo jeedaa Beelaha Laheyb_sooco ee somaliyeed

Hooyo canab waxa sidoo kale ay ii sheegtay iney dhibaatadan dhaqaale darro ee ku habsatay iyo indha la,aanteedan ay u weheliyaan takoor aan ku saleysneyn diinta iyo dadnimada.

Ugu danbeyntii Akhriste waxaanu si sharaf iyo karaamo leh kaaga codsnayaa inaad wallaal ka faalo qaadato Qoyskan danyarta ah ee aan haysan nolol maalimoodkoodii iyadoo si gaar ah looga codsanayo cidii awooda iney bil kasta 50 dollar oo kaliya u soo diraan agoontan iyo hooyadan indhaha la.

 

(مثل الذين ينفقون أموالهم  في سبيل الله كمثل حبة أنبتت سبع سنابل  في كل سنبلة مئة حبةوالله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم)

 

Waxaanad kala soo xidhiidhi kartaa:

Tell: 002522+4424510 barkhad jama hirsi

Barkhad jama hirsi

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Comments  

 
0 #1 Abdiqadir 2013-10-06 19:45
Alle dartii haloo caawiyo agoonta isku darsatay dhawrka masiibo
1-Aabbe la,aan
2-Hooyo la,aan
3-Ayeeyo indho la,aan ah
4-Iyaga oo ka dhashay markoodii horeba dad qarniyaal lasoo dulminayey
5-iyo iyagoo ah faqri aan waxaba haysanin
Marka walaalayaal ruuxii ilaahay waxsiiyow udegdeg khayr weyn baad
Ka helaysaa ilaahay agtiisee,inshal lah.
Quote
 

Hibaaq

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg