|
Jaaaliyadda Australia oo maanta deeq qalab caafimaad ah soo gaarsiisay isbitaalka dhexe ee Degmada Garoowe.  Jaaaliyadda Australia oo maanta deeq qalab caafimaad ah soo gaarsiisay isbitaalka dhexe ee Degmada Garoowe. Waxaa maanta gudaha Isbitaalka weyn ee degmada Garoowe si rasmi ah loo soo gaarsiiyey qalab caafimaad oo isugu jira qalabka lagu dabiibayo hooyadda uurka leh iyo caruurta yar yar si ay ugu sahasho hooyooyin uurka leh dhalintaanka oo inta badan u dhiman jiray dhiig joojin la’aan. Munaasabada deeqdani oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska iyo Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka DPL iyo dhamaan masuuliyiinta isbitaalka dhexe ee degmada Garoowe Ugu horeyntii waxaa munaasabada qalabkani lagu gudoonsiinayey isbitaalka weyn ee magaaladda Garoowe ayaa waxaa ka Hadley Agaasimaha Isbitaalka Garoowe Dr Carab isagoona ugu horeyn u mahad celiyey Dr Idil Cabdi Cismaan oo iyadda deeqdani caafimaad soo gaarsiisay isbitaalka caasumadda puntland ee Garoowe. Sidoo kale waxaa isana halkaasi ka Hadley Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale oo isana sidaasi si la mid ah mahadcelin balaaran nadashaasi uga jeediyey Jaaliyadda Reer Puntland ee Australia oo iyaga isbitaalkooda oo ay ku jiraan dad walaalahood ah soo gaarsiiyay qalabka caafimaad oo muhiim u ah hooyadda dhalaysa una sahasha qeybta dhalista. Waxaa kaloo iyana munaasabaddaasi deeqda caafimaad lagu gudoonsiinayey isbitaalka Garoowe ka hadashay Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye oo iyaduna sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay in maanta jaaliyadda reer Australia soo gaarsiiyaan isbitaalka magaaladda Garoowe deeqdani caafimaad oo ah mid baahi weyn loo qabay iyadoona baaq u jeedisay dadka kale ee reer puntland ee ku dhaqan dibadda in ay ku daydaan walaalahood oo maanta deeqdani soo gaarsiiyey isbitaalka degmada Garoowe. Ugu danbeyntii waxaa xafladaasi ka hadashay Dr Idil Cabdi Cismaan oo iyadda ah dadka deeqdani soo gaarsiiyey isbitaalka gudaha magaaladda Garoowe iyadoona xustay in ay deeqdani tahay mid ay soo uruuriyeen jaaliyadda reer Puntland ee Australia kadib markii ay arkeen dayaca xoogan ee ka muuqda isbitaalka weyn ee Garoowe kuwaasi oo Hooyooyin faro badan caruurtoodu ugu geeriyooto marka ay foolanayaan qalabkani awgiis. Ma ahan deeqdii ugu horaysay ee la soo gaarsiiyo isbitaalka weyn ee degmada Garoowe iyadoona ay jireen dhowr jeer oo ka horaysay oo ay qaar ka mid ah hay,addaha muxaliga ah soo gaarsiiyeen isbitaalka weyn ee magaaladda deeq caynkan oo kale ah. Xuseen Cabdulaahi Xasan E-Mail
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Garowem Puntland Somalia
|