AudioAcrobat!
 
 E-mail

HORTA YAA SOMAALI AH.

 

-Horta Yaa Somaali Ah-
 
-Ma Dumiyaa Somaali ah.
-Ma Dagaal Oogaa Somaali ah.
-Ma Gacan Ku Dhiiglaa Somaali ah.
-Ma Bara-kiciyaa Somaali ah.
-Ma Qabyaalad ku Adeegtaa Somaali ah
-Ma Qab-qablaa Somaali ah.
 
   -Maya Waa Magac Ceebeeye-
 
-Ma Kursi Doonkaa Somaali ah.
-Ma Xidhibaan ku Sheegaa Somaali ah.
-Ma Wasiirka Macmalkaa Somaali ah.
-Ma Gumeeysi u Adeegahaa Somaali ah.
-Ma Colaad Abuurahaa Somaali ah.
-Ma Wajiyo Badanahaa Somaali ah.
 
   -Maya Waa Qaran Ceebeeye Kaasu-
 
-Ma Ummadda kala Soocadaa Somaali ah.
-Ma Xumaan Wadahaa Somaali ah.
-Ma Xasarad Abuurahaa Somaali ah.
-Ma Xoriyadda Diidahaa Somaali ah.
-Ma Xaaraan Quutahaa Somaali ah.
-Ma Dadkii u Xoog-weynahaa Somaali ah.
 
   -Maya waa Caqli Laawe Kaasu-
 
-Ma Hadba Magac Sheegataa Somaali ah.
-Ma Jeebka Buuxsadaa Somaali ah.
-Ma Madfac Gamahaa Somaali ah.
-Ma Miino Duugahaa Somaali ah.
-Ma Is-Miidamiyahaa Somaali ah.
-Ma Ugaarsadaha Caqliga iyo Aqoontaa Somaali ah.
 
   -Maya Waa Damiir Xume Kaasu-
 
-Ma Tallo Xumahaa Somaali ah.
-Ma Nabad Diidahaa Somaali ah.
-Ma Qalin ku Dhiiglahaa Somaali ah.
-Ma Af ku Dhiiglahaa Somaali ah.
-Ma Qaaraan Colaad Ururiyahaa Somaali ah.
-Ma Maalinba Gobol ku Duulahaa Somaali ah.
 
   -Maya Waa Belaayo Abuure Kaasu-
 
-Waxaa Somaali ah Midka Dalka Jeceyl.
-Waxaa Somaali ah Midka Dhibka Neceyb.
-Waxaa Somaali ah Midka Calanka Jeceyl.
-Waxaa Somaali ah Midka Ciida Jaceyl.
-Waxaa Somaali ah Midka Damiirka leh.
-Waxaa Somaali ah Midka Wanaaga Doona.
 
 
-Waxaa Somaali ah Midka Nabada Jeceyl.
-Waxaa Somaali ah Midka Dadkiisa u Gargaara.
-Waxaa Somaali ah Midka Gumeeysiga Diidan.
-Waxaa Somaali ah Midka Dhaawaca Daweeya.
-Waxaa Somaali ah Midka Agoonta Caawinaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Naafada Kaalmeeya.
 
 
-Waxaa Somaali ah Midka Dadka Ururinaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Danta Guud Dhoowr.
-Waxaa Somaali ah Midka Bukaanka Xanaaneeya.
-Waxaa Somaali ah Midka Daawadda Geeya.
-Waxaa Somaali ah Midka Dadkiisa u Hiilinaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Dagaalka Diidan.
 
 
-Waxaa Somaali ah Midka Dhaca Diidan.
-Waxaa Somaali ah Midka Ceelka Qodaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Dugsi Dhisaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Iskuul Furaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Gargaan Raadinaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Miskiin Quudinaaya.
 
 
-Waxaa Somaali ah Midka Colaada Daminaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Cilmiga Faafinaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Magaca Dhoowraaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Qaran-nimada Doonaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Xilkaas Gudanaaya.
-Waxaa Somaali ah Midka Walaalnimo Xeerinaaya.
 
 
  -Kuwaas Ayaa Somaali ah-
  -Walee Somaali Xalaal ah-
  -Walee Taariikhdu Qoreeysaa-
  -Walee Magac iyo Maamusba leh.
  -Mudan Amaan Iyo Bogaadiin-
  -Mudan Wanaag iyo Xurmeeynba-
 
 
 
-Jacburiye-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 23/01/2010-
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it -
 
  
 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_agoonta_SWACRO_2.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan