AudioAcrobat!
 
 E-mail

Dhalinyarooy idinkuu Waddanku idinka dhur sugayaa !

 

Ummadd kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso dhaqankeeda iyo jiritaankeeda, haddaanay taasi jirin waxaa suurogal ah -walibana hubaal ah- inay noqoto ummad habawsan oo hallaysan kuna dhex milanta ummadaha kale.
Dhalinyarada ayaa lagu miisaamaa ummadda hagaaggeeda iyo hooggeeda, hadday dhalinyartu yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tamarinaya doonayana inay hadafkooda iyo hiigsigooda gaadhaan, qadarinayana aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin Diintooda iyo dhaqankoodu waxaa la filayaa hormar aad u balaadhan, haddiise ay xiiseeyaan oo ay u hanqal taagaan waddamo qalaad iyo qaad cunka, qabyaaladda, ku daydaan reer galbeedka  oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqanka, asluubta iyo anshaxa, waxaa la filayaa inay ummadaasi ay qarka u saaran tahay baaba’a iyo balanbal bulsheed.waxaana taa ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon een beenta sheegin.
Waxaa jira hadaba waxyaabo dhalinyarta dhiiri galiya oo ku hoggaamiya wanaaga iyo waxqabsiga waxaana ka mid ah inay helaan hoggaan geesi ah oo ay ku deydaan kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen, isagoo tilmaan iyo tusaale wanaagsan siinaya danaynayana dalka dadka iyo diintaba, gaar ahaanna da,yarta soo kacaysa.
Waxaan hadaba u soo jeedinayaa dhalinyarta inay noqdaan dad dhisan caqli iyo cilmiba, isku boorinaya inay fikirkooda fayaw la falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka fikradeed ee ay ka dhex heleen maankooga oo ay bulshadooda u soo gudbiyaan kuna dabaqaan iyagoo kolba eegaya duruufaha ay taagan tahay bulshadu, waxay qaadi karto iyo waxay tahay in dib loogu dhigo maskaxdoodana ku hayaan “togba taagtii buu rogmadaa”, “Degdegsiimo dan maaha”
Waxaan soo jeedinayaa fikrado aan qalbigayga si danayni ku jirto uga soo qubay doonayana inuu ku dhaco qalbi u hammuun qaba waxqabadka dalkiisa, fikradahaasi haddii aan loo dhug yeelanin raad iyo macno ay samaynayaan ma jirto, haddiise laga dhigto nolol maalmeed iyo jadwal waxaan hubaa – haddii Ilaahay yidhaa- in ay dhalinyaradu noqon doonaan dad ay taariikhdu xusto kuna xaradho qalimaan iyo safxado(bogag) qaaliya.[Arrintaasina Ilaahay Kuma cusla] [faadir:17]

Ishabaynta Shaqsiyeed

Qofku waxaa uu wax tari kara marka uu naftiisa habeeyo “Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” ee uu garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu ula tacaali lahaa, ee uu ula saanqaadi lahaa,sidaa daraadeed qaaciidooyinkan iyo qormosinkan ayaa ku ridi kara tubta toosan:

  1. wakhtigaaga ilaasho oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo ilbidhiqsi walba waxaad faa,iidayso, ku noqo bakhayl wakhtigaaga, maskaxdaada iyo maankaagana ku hay sida ay dadkii adduunkan wax ka bedelay ku ahaayeen wakhtiga. Wakhtigu waa waxa kala saara qofka geesiga ah iyo kan habayaca ah, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka wakhtiga fahmaana noloshuu fahmay. Waxaana tusaalayaal wacan oo wanaagsan kaaga filan Macallinkii aduunka Nebi Muxamed(Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) Cumar Bin Khadaab, Cumar Bin C/casiis, Xasanal Basri, iyo kuwo kaloo badan oo ay tahay inaad raadiso siday ku noqdeen tiirar aan liicayn una baahnaynna in la nuuradeeyo.
  2. waxbarashadaada ku noqo horseede, una baro cilmigaad baranayso si aad u xeel dheer hana noqon dadka ku hammiya imtixaankuun inay buundooyin(darajooyin) sare keenaan - inkastooy taasiba wanaagsantahay – balse isku day oo xaqiiji inaanad cidna umartiyin cilmigaad baranayso, akhri in badan oo aan ahayn waxbarashadaada, waayo akhrisku wuxuu koriyaa maskaxda, caawi oo u sheeg cidaad aqoonta ku dhaanto kuna mahadi Ilaahay fahankaaga iyo farsamo wanaagaaga waxbarasheed-waa haddii uu kugu mannaystay- haddii kalana Ilaahay weydiiso inuu ku siiyo fahan wanaagsan.
  3. baro sooyaalka taariikheed ee dalkaaga isku dayna inaad uga sheekayn karto dadka sidii adigoo soo jireen ahaa, badi wax akhriska, dhagaysiga, waydii dadkii kaaga soo horreeyay dunida ee soo joogay dhacdooyinka taariikheed, waayo waxaad noqonaysaa 20 jir ay ku dhex jirto maskax 60 jir ah oo soo martay tajaariib iyo waayo aragnimo qoto dheeri, baro suugaantaada iyo dhaqankaaga wanaagooda.
  4. Akhriso Quraanka Kariimka ah maalin walba kana dhigo dhaqan iyo dastuur ku haga, yeelana wardi maalinle ah haba noqoto laba safxadood oo aad maalintii akhrisato, waayo waa daawada qalbiga, isku dayna inaad Xusnu Muslinka ku dabaqdo noloshaada ,fahan oo u dhug yeelo axaadiista Rasuulka (Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo taariikhdii dadkii wanaagsanaa, waxaad ogaan in waxyaabaha ay dad badan ku fikiraan ay tahay wakhti lumis, waxaanad ogaan macnaha dhabta ah ee nolosha.
  5. Badso ciyaarta iyo jimicsiga ,caqliga fayaw waxa uu ku jiraa jidhka caafimaafka qaba, ilaali caafimaadkaaga meel kastood joogto waayo cuduradu way fara bateen  isku dayna had iyo jeer inaad ahaato qof qaata waanooyinka iyo talooyinka dhakhaatiirta, ilaaliyana nadaafadiisa dusha iyo mida dahsoonba.[Ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan iyo kuwa is daahiriya][Al-Baqra:222]
  6. Shaqooyinkaad qabanayso dul saar miisaanka Islaamka,yaanayna adduun jacayl ku dhaafin kasbashada xalaasha ah, inaad qatanaato ayaa ka roon inaad xoolo xaaraan ah ku dheragto, Ilaali dad la dhaqanka, ixtiraam dadka caadadooda, hana noqon qof macangag ah oo tiisiin u caddahay, ogolow oo soo dhawee cidda kaa fikir duwan.
  7. Noqo qof jidh xoogan, akhlaaq suuban, fikir durugsan, hawlihiisu nidaamsanyihiin, caqiidadiisu ay caafimad qabto, cibaadadiisu ay sax tahay, naftiisa la jihaatamaya oo dabraya, wakhtigiisa ilaashanaya, arrimihisa habaysanaya, walaalihii  waaninaya oo wanaajinaya,  qayrkii u faa,iidaynaya,qaraabadiisa booqanaya, waalidkiisana  caawinaya.
  8. Noqo geesi dulqaad badan, oo dabeecad furfuran geesinimadana waxaa ugu wanaagsan inaad weedh run ah aad sheegto oo aad sirahana qarisid oo aad qaladkaagana qiratid oo aad naftaadana xakamaysid oo aad hanan karto kolkay cadhooto.
  9. inaad ahaato qof caadila oo xukun sax ah leh mar walba, yaanay ku ilawsiin cadhaduna wanaaga, hana u qarin qofkaad ka raali tahay xumaantiisa, yaanu murankuna kugu qaadin inaad wanaaga ilawdo, oo aad xaqa uugda ka cadayso xitaa haday tahay naftaada ama qaraabadaada kuugu dhaw haba qadhaadhaatee.
  10. inaad ku wanaagsanaato akhrinta iyo curintaba(qoritaanka) oo aad yeelato maktabad kuu gaar ah haba yaraatoo buugteeduye, yaanay ka maqnaan buugtaasna Taariikhda, Suugaanta, Fikirka Islaamiga ah, iyo Maadooyinkaad barato ee aad hadhaw is leedahay ku dhex gal bulshada.
  11. Iska ilaali fadhiisiga maqaaxiyaha hortooda, gidaarada habeenkii,caadooyinka reer galbeedka, cabitaanka sigaarka, cunitaanka qaadka, iyo cayda faraha badan.
  12. Isku day in hadalkaaga iyo ficilkaagu is waafaqaan, oo aad ka dhigato astaan iyo shicaar ((Miyaanu ogayn in Ilaahay arkayo)) (Al-Calaq:14).

Intaasi waa habaynta shaqsiyada qofka dhalinyarta ah ee doonaya inuu dantiisa gaadho isagoon labalabayn iyo shaki toona kaga jirin, huba oo hiigsanayana hadafkiisa.
Marka uu intaasi sameeyo waxaa imanaysa kaalintiisii bulsheed taasi oo uu ku gaadhi karo dariiqooyinka soo socda:

  1. Inuu eegto oo uu urursada ciddii fikirkeedu qoto dheer yahay ee la fac ah waxaanu ku samayn karaa xulashadaa isagoo waraysta oo imtixaama qofka fikirkiisu inta uu yahay, waxaana tusaale kaaga filan hadalkii Mustafe Subaaci “Dadka waxaa jira mid aad is odhanayso waa wanaagsan yahay laakiin markaad tijaabiso aad ogaanayso caqli naaqusnaantiisa”
  2. Inuu hadiyo goor qaato oo uu gurto xikmadaha iyo murtida qaaliga ah waxna ka tari kara dedaalka uu ugu jiro dalkiisa. Xikamduna way ka lunsantahay muuminka meeshuu ka helana xaq buu u leeyahay inuu qaato.
  3. Ka qayb gal goobaha lagu falanqaynayo sidii loo hormarin lahaa bulshada oo raadso dadka hadiyo jeer u heelan kobcinta bulshada waxay kuu noqon doonaan tiirarka aad ku dhisnaan doonto aadba isku khilaaftaan sida iyo hababka loo marayo,xasuusnowna qormosinka odhanaya “ waan ku khilaafayaa laakiinse waan ku jecelahay”.
  4. Ogoow in dadkaagu ay iskugu jiraan qaybo fara badan mid aqoonyahan ah, aftahan ah, siyaasi ah, wadaad ah, waranle ah, suxufi ah ,arday ah, ganacsade ah, intaasoo dhanna isku si wax u mada qaadanayaan balse waxay u baahan tahay in qof walba lagula hadlo heerka caqligiisu iyo garashadiisu tahay, waana adiga cidda xulashada samaysanaya ogoowna in walaal kastaa uu leeyahay iin ee ha kaga boodin oo ha ku nicin iintiisaasi balse ku wado waayo waa sidii Cismaan Bin Cafaan(Ilaahay raali ha ka ahaadee) yidhi: “ walaal dhamaystiran qofka doon doonaa walaal la,aan buu ku dhacaa”
  5. U ducee oo Ilaahay u bari in bulshadaadu ay noqoto bulsho hormar ballaadhan samaysa, dhalinyarteedu aaminsantahay inay adduunka u rogi karaan dhinaca kale sidii ay Asaxaabtii Rasuulku(SCW) ay sameeyeen oo kale, kobcinaya cidda hormarka la timaada, iskaashanaya oo ka dheeraanaya is qoqobta,Aqoonyahanno ah, maxaa yeelay cilmigu waa nuurka garashada,nolosha ruuxda,shidaalka dabeecada. [Qof mayd ahaa oo aan noolaynay oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka ma la mid baa mid mugdi ku sugan oo aan ka baxayn] [Al-ancaam:122].
  6. ku beer bulshadaada in waddanku uu yahay hodan, una baahanyahay cidii la soo bixi lahayd khayraadkiisa, xasuusina in ay wakhti qaadanayso la soo baxa khayraadku.
Intaas aan soo sheegay waa intaan isleeyahay way anfacayaan bulshada gaar ahaan dhalinyarta u soo kacaysa waddanka meel kastooy joogaanba,waxaanan idin leeyahay haddii uu adduunka waddan kastaa taariikhda baal ka galay waxaa timid xilligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaari oo soo qaata sahaydii aad kula loolami lahaydeen dadka kale, idiinma ogina sahay ka wayn oo ka baaxad ballaadhan mug iyo miisaanba Cilmiga iyo Dhabar-adayga oo lagu daro hawlkarnimo aan la hagranayn. Ilaahay baana arkaya hawlaheena.((Mana doonayo inaan idiin daba maro waxaan idinka reebayo,waxaanse doonayaa wanaaga uun intii karaankayga ah, waafajintaydana cidaan Ilaahay ahayni ma karto, isagaanan talo saartay xaggiisaanan u noqon(toobad) )) (Huud:88)
Dhalinyaryahay waa idinka cidda maanta laga sugayo isbedelka ee iska ilaaliya inaad ku hoobataan hogaggii ay ku dhaceen kuwii idinka horreeyay, ((“Waanad Xasuusan doontaan waxaan idinku leeyahay”))(Ghaafir:44))
 
 
 
 

Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
            This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Address: Sha,ab road
              Hargaisa
                 Somaliland

 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_agoonta_SWACRO_12.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan