AudioAcrobat!
 
 E-mail

 

Socdaallkii Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Jakarta Mudane  Colow ee Malaysia.

Kuala Lumpur 27 January 2010,

 

 

Sidaadba horay ula socoteen waxaa bartamaha bishan janaayo ku sugnaa dalka Indonesia ganacsato Soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacaayo wasiirka ganacsiga Md. C/rashiid Ciro.

Shirkaas oo ujeedadiisu aheyd sii xojinta xiriirka ganacsi ee dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, gaba gabadii shirka kadib ayaa qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo uu hor kacaayo Danjire Colow ayaa  usoo amba baxay dalka Malaysia. Danjire Colow ayaa ka helay casuumaad dowlada Malaysia gaar ahaan   madaxa magareeshinka Malaysia Dato A.rahman Othman. Iyadoo danjiraha ka sii shaqeenaayay booqasho uu ku imaanayay Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka maaliyada Md. Shariif Xasan Sheekh Adan. Hadaba aan uguda galno mudadii uu ku sugnaa safiirka cidii uu lakulmay iyo waxyaabihii u kala hadlay madaxa megereeshinka Malaysia. Danjire Maxamuud Colow Barow ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan sida aqoonyahanada islamrkaasna ka ah macalimiin jaamacadaha ugu waa weyn dalka Malaysia, midowga ardayda, qaar kamid ah xubnaha Jaaliyada, odey dhaqmeedyo, ganacsato iyo kuwa kale. Mar uu la hadlaayay Mudane  Colow midowga ardayda ayuu kula dardaarmay in xooga la saaro in la helo xarun lagala socdo wax qabadka ardayda, qoraaladooda, wax soo saarkooda iyo in loo sameeyo taba baro joogta ah fartana laagu fiiqo in ay yihiin madaxda mustaqbalka loona baahanyahay in hada laga sii shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa afkaartooda. Waxa kaloo uu balanqaaday Danjiraha, in ay safaarada ka caawineyso wax alaale waxii dokominti sax ah ay u baahdaan in ay 24 saacadood gudahooda ugu soo direyso si aysan ardayda hakad uga galin wax qabadka safaarada, waxaana hadalada Danjire Colow ka mid ahaa “waxaan ahay Aabihiina oo ku faraxsan hormarkiina jecelna in uu idiin daryeelo sida caruurtiisa oo kale ee dadaala wadanka aad buu idinkugu baahanyahay xaalada hada lagu jirana waa ay dhamaan doontaa hadii Alle idmo”  waxuu kaloo kahadlay sidii loo weyneyn lahaa sanadguurada 1-da luulyo maadaama ay ka duwantahay kuwii hore oo ay tahay nus qarni (50 sano) iyadoo ardayda  runtii aad ay ugu riyaaqeen sida hagar la’aanta uu ula taliyay safiirka iyagoo dareemaayo in ay jirto dowlad ka war qabta ardaydeeda ugana mahad celiyeen garab istaaga uu garab taaganyahay hormarka bulshada gaar ahaan ardayda. Danjiraha Waxey sidoo kale kala war qaateen aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo qeebaha kala ee bulshada isagoo mar kasta kula dar daarmaayey in ay xoojiyaan xiriirka dhexdooda una adeegsadaan aqoontooda dhanka saxda ah isla markaasna ku talagalaan in uu dalka u baahanyahay aqoontooda. Safiirka oo an kadaaleynin kulamada u la yeelanaayey Soomaalida Malaysia iyo xubno asxaab Malaysian ah, waxaa sidoo kale kusoo booqday safiirka hotelka uu daganaa madaxa college-ka Rima Mr. Philip halkaas ay isku wareesteen xaalada ardayda Soomaliyeed ee dhigata college-ka kana codsaday in ay xooga saaraan sidii ardayda loo baraarujin lahaa loolan aqooneedna loogu beeri lahaa si ay dhexdooda ugu tartamaan in ardaygii kaalin galo loo balanqaadaayo wax barasho lacag la’aan ah oo college-ku bixin doono. sidoo kale in ay ka qeyb qaataan barnaamijada hormarinta ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia.

Maahan mar iyo laba inta uu Safiirka yimid Malaysia oo uu la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwanan. Mar aan wax ka weydiiyay aqoonyahanadii iyo ardeydii ka qeeb qaadatay kulankii Danjire Colow iyagoo ka tarjumaayo shacuurtooda ayee ii sheegeen in ay maqli jireen in danjire Colow lagu naaneeso Maxamed Soomaali balse ay dhaheen markaan baranay ka dib waa uqalmaa magaca uu wato ee waa Mudane ku dayasho mudan lehna hormar iyo aragti fog.

Dhanka kale, sidaan horay u xusnayba waxaa ka mid ahaa ajandayaasha uu u yimid Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Jakarta in uu la kulmo megereeshinka Malaysia si uu kala hadlo dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:

 

1-      In lasii daayo ardayda xabsiyada ku jirto oo aan wax dambi ah galin ayadoo uu ka shaqeen doono in tikitkooda loo keeno isla markaana loo dhoofiyo Soomaaliya.

2-      In la badalaayo baasaboorkii hore laguna badalaayo E- Passport-ka loo sameeyo xarumo ay xafiis kadhigtaan inta ay socoto qorshaha badalaada baasaboorka.

3-      In cafis buuxa loofidiyo inta sharci darada ah ama wax baasaboor ah aan heysan kadibna ay qataan baasaboorka cucub waxii markaas ka dambeeyo ay dowlada Malaysia la xisaabtanto cidii sharci la’aan sii joogta dalka Malaysia.

Intaba waa ay balanqaaday dowlada Malaysia waxaana balanqaadkaas ka sii shaqeen doona safaarada Soomaaliya ee Jakarta.

Kulamadii safiirka ee is daba jooga ahaa kadib ayaa waxaa yimid dalka Malaysia Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka maaliyada Mudane Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa waxuu 26-kii bishan kula kulmay Ra’isul wasarihii hore  ahna siyaasiga islaamiga ah ee caanka ah Tun Dr. Mahathir Mohamed xafiiskiisa oo ku yaalo qeybta 88-aad oo ah mida ugu sareeso  ee daaraha mataanaha ah ee aduunka ugu dheer. Soo dhoweyn aad u sareysa kadib ayaa waxaa hadalka furay Mudane Shariif Xasan isagoo ku furay sidatan   “ hadaa nahay dowlada Soomaaliya Waxaan kaaga mahad naqeynaa sida wacan ee aad nala garab taagantahay afkaartaada iyo dhiiri galintaada inagoo had iyo jeer xusna dardaarankaagii ugu dambeeyay ee aad nagu siisay xiligii aan ku wada sugneyn Djibouti hadana waxaan kaa codsaneynaa in aad usii istaagto sidii Soomaaliya loo garab qaban lahaa ee mugdigana looga saari lahaa umada Soomaaliyeed”  wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayuu gaarsiiyay salaan diiran oo uu markaas uga waday madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed. Gaba gabadii kulankaas ayaa wasiir Shariif Xasan Sh. Aden uu gudoonsiiyay Dr. Mahathir hadiyad taariikhi ah oo mataleesa dhaqanka, hantida Soomaaliyeed iyo in ay Soomaalidu yihiin dad dhaqankooda ku faanaa (waa sawir geel yar gacan ku samees ah  oo dhalo ku jira). Dar daarankii Dr Mahathir ayaa waxaa ka mid ahaa sida tan             (waxaa tihiin dad iyo dal qani ah Alle ayaana idinkugu deeqay oo dad badan ayaa la’ maanta ee inta Alle ku mahdisaan talana saarataan ka shaqeeya sidaad dadkaas iyo dalkaas ku bad badin laheydeen kuna dadaala in cadaalad loo horseedo umada).

Gaba gabadii, safarkii wasiir Shariif Sh. Aden iyo Danjire Colow  ayaa ahaa mid wax ku ool ah isla markaana xoojinaayo xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Malaysia farxadna galiyay bulshada Soomaaliyeed ee Malaysia in ay arkaan madax kasoo wardoontay una mahad celinooso madaxda dalka Malaysia waxa ay u hayaan umada Soomaaliyeed.

 

Wariye, C/raxmaan Jaamac Afrax

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_agoonta_SWACRO_2.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan