|
DHALINTII DHAKAFAAR SANEED QEYBTII 2 AAD  Dhalintii ayagoo aad iyo aad ula yaaban halka ey wax ka bilaawi lahaayeen ayey isa soo raaceen, ayagoo go aan koodu ahaa sideey dhabtii ku heli lahaayeen waxaa ka hor yimid Ayuub khadar iyo salwa waxaana dhexmaray doodaan Ayuub:- maanta waxaan layaabo eyey ila noqotee halkee iska soo hesheen dhamaantiin maxaadse raadineeysaan oo ayadoo cad ceeda baxeesa ayaad sidataan tooshashee maxaa idinka lumay,
Qoorleexshe:- waxaan radineenaa saaxib hanala yaabinee sedex waxyaabood oo aan ku arki weyney cad ceedaa baxeeso oo aan is niri lagayaabo in cad ceedaa qarineesee taloow tooshka maku raadisaan
Salwa :- KKKKK alla qosol badanaa ma intiinaan waxaad cadceedaa baxeeso ku heli weydeen miyaad aamin santihiin inmaad toosh ku heshaan maxeyse tahay waxa sidatan aad u raadineesaan waaba yaabee Duurgal:- Horaan usoo yaabnay adiga hadeey hada yaab kula tahay waxaan raadineenaa sedex sheey oo kala ah Daacadii Diintii iyo Dulqadkii halkeey ku danbeeyeen, ileen waatan wadankeenii sida dhurwaayga liisu cunaayoo aanan liisu aaba yeeleenaa soow macada ineey dhuntay daacadii iyo diintii aan ku abtirsaneenee leheen boqolkiiba boqol muslin ayaanu nahay iyo dulqaadkiiba
Khadar:- Walee waad mudan tihiin ileen daacadi hadeey jirto sidatan isuma quureen hadii diintii la aminilahaa laguna dhaqmi lahaa sida abriskii sunta iskuma quureen haduu dulqaad jiri lahaa daryeelkii deriskiyo isaageen uma liidan leheen oo sida duka canbaar leh sanka nalagama qabsadeen ee aanu isla falan qeeyno arin taane ina soo fariisiya Dhalintii markiiba waxey soo fariisteen beer ween oo halkaa ku taalay ayagoo ey ka muuqato tiiraanyo waxaa hadalkii furay ayuub
Ayuub:- Runtii dhalin yarooy waxaad ogaataan aduunyadaan horamartee ku dagalamaaya tagnolajiyada waxey heerkaa ku gaareen maskax isu tagtiyo caqli liisku biirsadey weliba waxey si fiican ugu faa ideesteen diinteena iyo ayadaha quraanka uu rabi inoo soo dajiyay waxaan aamin sanahay hadaan anagana is biirsanoon dhabtii isla raadino qaluubteenana ey mid kaliya wada noqoto inaan dhabtii gaareeno bal waxeynu isu heysano aan mid mid ukala qaadnee aaynu isla meel dhigno qodobada aan ka hadleeno. Xigmo:- Maashaa alaah ayuub caqligaan kuugu jeclahay iyo kartida, waarun aboowe aan ugu horeysiino amuurta layaabka leh ee inagu heysata qurbaha iyo isfahmid darada ka taagan ragii iyo dumarkii caruurtiina ey halkaa ku bahdilantay anagoo caqligeena iyo iimaankeena kashaneena aan kaga hadalno diiniyan iyo caqliyan.
Xuriyo:- Waan kuugu raacsanahay xigmo ileen waxaan maqli jiray maska madaxaa lagaga istagaa ama laga dilaayee ileen waxa dhawaca ugu daran ee ina heysta kuwa wadanka joogana ku dhiirigelinaaya halista ee lacata kusoo daadinaaya waakuwa qurbaha joogee anagiina xaqeenii iyo xaquudaan ku leheen iska ilooboo mooda in dhalinyarada ku halaabeen qurbaha eysanba ogeen ineey ayaga u sabab yihiin taa waa inaan si fiican ugu hadalnaa.
Dulmi:- Aan ugu horeeyo aniga ineey taa dhabtahay ayaan idin dareen siiniyee. Labadii idhashee dheef aan ka sugaayay dhulshi sheeye markeey ikeeneen eyey dhurwaa isu noqdeen, dharbaaxo ii dhalanteed sida liisugu wadey ayuu ruuxba dhan u dhaqaaqay ana dhabaha ligaaga tagay inaan aniguna dhalada qaatoon dhamo biirka ma wax iidhamaa jiro dhalinyaroow dhawacaan uurkeeyga dhexyaala ee ayatiinkeyga ku waa yaya maahan mid fududee dhabtii isla eegno. Lasoco wiiga xiga iyo taxaneheenii ahaa DHALINTII DHAKAFAAR SANEED w/Q Aweys axmed abukar All_xikaaya
DiGNIIN Dhamaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws). Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso. Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.
|