AudioAcrobat!
 
 E-mail

Hooyo Iska cafi (Maqaal xiiso leh)

 

 

 

 

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya dhibaatooyinka soo gaaray shacabka Soomaliyeed waxay ahaayeen kuwo maalinba maalinta ka dambeysa sii kirdhaya, bulshadana ay la jilba murxeen oo weliba ay la xuub-siibteen dagaalladaas oo noqday kuwo aan lahayn kala go’ iyo meel lagaga harsado.

            Dhibaatooyinka dagaaladu sababeen ayaa ah mid shacabka Soomaaaliyeed ay la il daran yihiin, iyadoo dhibaatooyinka ay isla wada camimtay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, balse haddana ay si gaar ah u abaareen dagaalladani Haweenka Soomaaliyeed oo ka haray dhigooda  ku nool  caalamka nabadda haysta.

            Dumarka Soomaaliyeed waxay dagaallada ka dhaxleen daruufo dhinacyo fara badan la xariira, waxayna u nugul yihiin dhibaatada faraha ka baxday ee saamaysay dalka & dadka oo dhan.

            Haweenka oo ah lafdhabarta bulshawaynta caalamka, isla markaana ah warshadda kaliya ee ugu casriyeysan Dunida oo Alle wayne (SWT) uu ugu tala galay in ay soo saarto Bani`aadamka, isla markaana koriso, kadibna tarbiyeyso ayaa waxay tahay maclinka barbaariyaha aadanaha. Guri kasta oo dhisanna waxaa tiir u ah Hooyo, Guri aan Hooyo lahayna waxaa lagu micnayn karaa lama degaan.

            Haweenka Soomaaliyeed oo ah barbaariyaasha iyo  saldhiga ummadda ayaa waxa ay leeyihiin taariikh lagu xasuusto, waxayna door muuqda ka soo qaateen howlo badan oo horumar iyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa halgankii gumeysiga dalka looga saaray oo ay astaan u ahayd Xaawo-Taako oo ka mid ahaa halyeeyadii dalka u soo halgamay, sidoo kale haweenku waxay qeyb weyn ka soo qaateen ololihii barashada far-soomaaliga oo kaalin hormuudnimo ah ay ka soo cayaareen,  sidoo kale gurmadkii loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay abaartii la magac baxday (Abaartii daba dheer), waxayna sidoo kale kaalin ku lahaayeen maamulladii dalka soo maray, mar kastana waxay ahaayeen haatanna yihiin kuwo u taagan danta iyo maslaxada Ummadda Soomaaliyeed.

            Haddaba iyadoo intaasi iyo in ka badan Hooyada Soomaliyeed qabatay weolina u heelan ayaa haddana waxaa mar waliba jiray dhibaatooyin iyo xadgudubyo loo geysanayay xilli hore iyo haatanba.

            Marka aan soo qaadano dhibaatooyinka xilliyadii hore  ay ka caban jireen Haweenka ayaa waxaa ugu horreeyay inaan xaquuqdooda la dhowrin oo lagu tunto sida: Guurkooda oo aan loo sinin wax xuriyad ah  rabitaankooda, iyagoo marka ay ka soo horjeestaan guurkaas xoriyad la’aanta ah loo geysanayay handadaad mararka qaarna  jir-dil iyadoo lagu qasbayo nin aysan rabin oo mararka qaar ah oday da’ ah.

            Sidoo kale  dumarka fursad looma siiyo goobaha ama xarumaha waxbarashada si ay wax u bartaan, qoyska Labo gabdhood iyo labo wiil ay u joogaan Labada wiil ayaa waxbarasho la geeyaa gabdhahana howsha guriga lagu keli yeelaa.-

            Midda kale gabdhaha wax fakir ah reerka kuma laha oo latashiyo lalama yeesho, mana la tixgeliyo haddii ay fakir iyo aaraa ku soo kordhiso reerka, iyadoo ay sidoo kale jiraan waxyaabo badan oo ay ka cabanayaan oo aan dheg jalaq loo siinin.

            Diinteena muqadaska ah iyadoo ay siisay Hawenka fadli badan & Xaquuq ayaa haddana xuquuqdooda lagu tuntaa iyadoo maamullada dalka soo maray iyo culimaa’udiinkuba aysan arrimaha loo geysanayo  haweenka aysan ka hadlin ama wacyigelin aysan ka sameynin

            Wixii ka dambeeyay 1991-kii Hooyada Soomaaliyeed waxaa u curtay maalmo madow, Kadar oo Dibi dhal ayayna sheekadu noqotay, waxa ayna ehel u noqotay dhac, kufsi, jirdil, cabsi gelin iyo dil.

 \          Maalin iyo habeen walba ayay Hooyada Soomaaliyeed horteeda ku waysaa Aabaheed, Walaalkeed, Ninkeeda iyo Ubadkeeda!!. Waxaana qeyb nolol maalmeedkeeda ka mid ah noqday oohin iyo murugo joogto ah. Ubadka u soo harayna waa wada ogoomo, iyada ayaana u istaagtay in ay koriso, iyadoo weli  uu sidii daadanayo dhiiga

            Ma garan karto halka ay wax ugu helayso ubadka agoomoobay ee ay Hooyada u tahay! Subax kasta waxay u kalahdaa suuqa, ayadoo u xamaali tagta, kuna fakaraysa halka ay wax uga heli doonto caruurteeda  tiiyoo ay u sii dheer tahay cabsi madaafiic hoganaysa  iyo welwel.

Ubadka ay ku soo tiir iyo tacab beeshay koriimadooda ayaa marka ay koraan halkii ay Hooyadood ku garab siin lahaayeen xagga nolasha ay ka cararaan oo  Tahriib iyo safar dibadeed u baxaan iyagoo ka cararaya dhibta dalka ka jirta, isla markaana raadsanaya nabad iyo nolol dhaanta midda Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood ay ku dhamadaan xeebaha iyo badaha, kuwo kalana xabsiyada ay gaajo & jirdil ugu dhimanayaan, inta yar ee badbaadana ay dal shisheeye baagamuudo ku yihiin.

            Ubadka aanay u suuragelin inay dalka ka cararaana iyadoo Hooyadu ay kala dagaalamayso juuc iyo jaahilnimo oo hadba meel ula cararaysa si ay uga badbaadaan xasuuqa Soomaaliya ka jira ayaa iyadiyoo waxbariddooda ku hanti beeshay kuna daadashay ayaa halkii ay kaga riyoonaysay inay waxtaraan iyada iyo ummaddaba ayaa waxaa lagu xasuuqaa goobahoodii waxbarashada, waxaana loo keenaa iyagoo meyd ah.--

Alla naxdin weynaa….. carruurtii Hooyadood u soo dirsatay waxbarashada ee  lagu laayay Baska gudihiisa  xilli ay ka yimaadeen Iskuulka lagu magacaabo Axmed Guray ee magaalada Muqdisho……  ubadkaas laga dhigay kuwo la xaquusay iyo kuwo la curyaamiyay oo ilamaa iyo haatan ah naafo aan waxba qabsan karin

            Dhacdadaas xannuunka iyo uur ku-taalada leh iyadoo ay weli ka sii guuxayso qalbiyadii Hooyooyinkii dhalay  ubadkaas ayaa haddana waxaa looga sii nixiyay dhacdadii Hotel Shaamow ka dhacday dhammaadkii sanadkii tegay ee 2009-ka oo sidoo kale lagu xasuuqay  Ardaydii waxbarashada Jaamacadda Caafimaadka dhamaystay ee la guddoonsiinayay Shahaadooyinka.

            Dhibaatoyinkan iyo kuwo ka sii badan  oo sida Roobka oo kale ah ayaa uur ku-taalo looga dhigaa Hooyada Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhibaatooyin si gaar ah  haweenka loogu gaysto, kuwaasoo aan qoraal lagu soo koobi karin.

            Alle (SWT) waxa uu Xadiisul Qudsi ku yiri: waxaaan iska xarimay dulmi, ee idinkana ha is Dulminina. Rasuulkeena (SCW) wuxuu yiri: “Waxaa muslim ah qofkii ka nabadgelya Muslimiinta Carabkisa iyo Gacantiisa.”

            Rasuulkeena suuban ee Muxamed (NNKH) asagoo ka hadlaya Haweenka ayaa waxa uu yiri “Qofkii barbaariya Todobo gabdhood una naxriista ilaa uu uga guuriyo nin, waxaan Janada ku ahaanaynaa labadaydaan farood  oo kale”, waxaana la ogyahay in Hooyada Soomaaliyeed ay tahay korisada, barbaarisada iyo soo saarista jiilka hadday ahaan lahaayeen gabdho iyo hadday wiilalba ahaan lahaayeen, balse waxaasi Hooyada waxaa loogu abaal guday in nolosha lagu ciqaabo, dhibaatada iyada u gaarka ahna waxaa u sii dheer midda ubadkii ay barbaarisay har cad loo geysanayo.

            Sida lawada ogsoon yahay Hooyadu waxa ay martaa dhibaatooyin fara badan, way walacaysaa, uurka culayskiisa ayay qaadaysaa, foolanaysaa, koriimadooda ka faalo-qaadaysaa, nuujinaysaa, tarbiyeynaysaa, haddana waxaas oo dhan waxaa loogu abaal gudaa in la kufsado, la jir dilo, la dhaco, la handado, madfac lagu garaaco, ninkeeda, walaalkeed, ubadkeeda iyo waalidkeedna la xasuuqo, iyadoo  Baroorteeda iyo oohinteeda laga dhigto mid lagu raaxaysto, loona arko guul la gaaray.

            Soomaaliyey, gaar ahaan ragga hubka sitow aan idiin su’aallee xalka Soomaaliya ma wuxuu ku jiraa in Hooyada Soomaliyeed  Asay loo saaro, la dulmiyo, laga oohiyo, ubadkana laga laayo…? Kolay anigu waxay ila tahay qoraalkeygana aan ku soo af xirayaa in xalka laga raadiyo Hooyada in loo Samafalo lagana daayo Cadaabta joogtada ah ee lagu hayo, isla markaana aan ku dhawaaqno HOOYOY NA CAFI si aan uga badbaadno Carada Alle iyo Nabad la`aanta nagu fogaatay.

 W/Qortay: Raxmo Isaaq (Raxmo Bambeelmo)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    

                 

 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_agoonta_SWACRO_9.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan