AudioAcrobat!
 
 E-mail

 

Jacaylka ka dhaxeeya waalida iyo awlaadiisa

Jecelku waa wxa ugu qaalisan ee laba qof ka dhexeeya, inata badanna keenaa kalsoonida iyo wax isu huridda, labada qof ee ugu horeeyaan iney jacayl iyo kalgacaylaba abuuraa waa waalidka iyo ilmihiisa, hadaba sideed u abuuri kartaa jacayl adiga iyo ilmaaga idinka dhexeeyaa, aqoonleyda ku takhasustay cilmiga tarbiyadda waxay tilmaamaan 24 hab oo aad ilmahaaga ugu muujin karto jacaylkaaga waxaana ka mid ah.

  • inaad ilmahaaga la qaado waqti badan, mid waliba inaad la qaadato waqti adiga oo mid waliba wuxuu jecelyahay la sameynaya, mid aad la cayaarto ciyaarta uu jecelyahay, mid aad meesha uu jecelyahay la aado, mid aad maqaayad waxa ka soo wada cuntaan, mid aad uga sheekeyso sheeko uu jecelyahay, arimahaasi oo idil waxay u muujinayaan in waalidkood jecelyahay.
  • Waxaad ilmahaaga galisaa kalsooni, adiga oo dhiirigalinaya dadaadlkooda iyo waxqabadkoodana qiimeynaya kuna abaalmarinaya xataa haddii wax yar oo aan adiga qiimo kula lahayn uu sameeyo.
  • U dabaaldag howlmaalmeedka ay soo qabteen, tusaale inaad maanta qado gaar ah la sameeyo waayo hebel ilig ayaa ka dhacay oo waa uu weynaaday, mida kale ayaa maanta kooxdiisii kubadda cagta guuleysatay, mid kale ayaa maanta imtixaankii darajo fiican keenay , mid kale ayaa maanta macallimadiisii soo amaantay, mid waliba u tus inuu agtaada muhiim ka yahay oo waxqabadkiisa aad ku farxeyso una dabaaldageyso, iska ilaali inaad diiradda aad saarto mid ama laba kaliya ee cadaaladdu waxay ku jirtaa inaad mid waliba guusha aad u muujiso aad daneyneyso.
  • Bar ilmahaaga fakar wanaagsan iyo waxqabadka wanaagsan,tusaale haddii uu wiilkaaga dugsiga uu ka yimaado isaga oo wada wasaqeysan ha canaanan ahana ku qeylinin sida haboon ee caqliga saliimka ah keenayo waa inaad tiraahdaa " Alley lahee maanta si wanaagsan ayaad u soo cayaartay waad daallan tahay gaajo badanna wey ku haysaa " hadalkaasi wuxuu albaabada u furayaa inuu kugu farxo oo uu kugu kalsoonaado, waxa aad u sheegi doontana uu si niyad furan u dhageysto kaana qaato, markaa ka dib inaad u sheegto inuu si daggan u cayaar oo uu dharkiisa wasaqda ka ilaaliyo , waayo ilmuhu marka uu wax soo qaldo wuu ogyahay mowqifkiisa wuxuu isu diyariyanaa is difaac iyo ka hortag canaanta iyo qeylada waalidka , ilmaha qaar ayaa isku difaaca oohin , qaarna aamus iyo xanaaq , qaar kalena muran iyo qeylo kaa horkeena, si aad intaasiba uga fogaato waxaad waalidow albaabada u furtaa iridda jacayl adiga iyo ilmahaaga oo ah hadal dabacsan oo ilmaha ka xishoodsiiya is dadbanna uga saxa qaladka sida eraydii aan soo sheegnay oo kale.
  • Waxaad ilmahaaga uga sheekeysaa yaraantoodii, sida ay ahaayeen wixii ay sameyn jireen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee soo maray iwm.
  • U sheeg iney jiraan waxyaabo badan oo aad iyaga ka baratay,tusaale wiilkaaga oo maalin ku tusay alaabta aad dukaanka ka soo gada lahaydeen meesha ay taallo, inaad had iyo goor u sheegto inuu isaga ku baray alaabtaasi meesha ay taal, ha yareysan arinta waayo ilmuhu waxay u fadhidaa qiimo weyn inuu waalidkii wax u qabtay ama waxbaray waxay abuurtaa kalgacayl idin dhexmaraa.
  • U sheeg inaad ku faraxsan tahay inaad tahay waalidkood , iyo inaad aad u jeceshahay korriinkooda.
  • U daa ilmahaaga doorashadooda waxa ay xiranayaan, waayo waxaad ku barbaarineysaa inaad ixtiraameysa ra'yigooda iyo doorashadooda, taasoo keeneysa iney iyaguna si aad ah u ixtiraamaan go'aankaaga.
  • Dhexgal ilmahaaga marka ay cayaarayaan, la cayaar kala qeybgal marka ay waxa sawirayaan ama midabeynayaan ama wax isku rakibayaan ama ay kubad cayaarayaan.
  • 10 La soco jadwalka waxbarasho ee ilmahaaga, sidoo kale macallimiintooda iyo saaxiibadood, si marka aad kala sheekeysaneysa habeenkii wixii ay dugsiga maanta kala kulmeen adiga oo aan weydiin su'aal guud ee ah " maanta dugsigii ka waran ? oo ah sida waalidku u badan yahay, laakin aad weydiiso macallimaddii heblaayo ka waran ama saaxiibkaa hebel ka waran adiga oo magacyadooda sheegaya , sidoo kale maadooyinkii ay maanta soo qaateen iyo meesha ay marayeen weydiinaya , waayo mar waliba oo aad weydiisaa su'aal guud wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab guud sida fiican , waxba OK iwm, laakin haddii ay su'aashu ahay mid tilmaaman oo magac iyo maadaba tilmaameysa wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab tifatiran isaga oo ku faraxsan niyaddana u sheegaya waalidkaa wuu kula socdaa aad ayuuna u daneynayaa dugsigaaga iyo waxbaashadaada.
  • 11 Haddii uu wiilkaagu doono inuu wax kuu sheego waa inaad u soo jeedsataa oo aad indhihiisa iyo afkiisa eegtaa , waana inaad tustaa inaad daneyneyso sheekadiisa oo aad xiiseyneyso waxa uu kuu sheegayo, iska ilaali inaad wax kale isku mashquuliso marka uu wax kuu sheegayo buug aqrin , cuno karin iwm.
  • 12 Uga sheekee dhinacaaga wixii aad maalintaasi la kulantay , ugan dhig caado joogta ah oo aad barto inaad uga sheekeyso howlmaalmeedkaaga waxaa soo sameysay cidda aad la kulantay wixii kaa qosliyay wixii kaa yaabiyay iwm, taasina waxay keeneysaa in iyaguna ay dhinacooda si tafatiran kaaga waramaan wixii ay la kulmeen.
  • 13 Warqad yar ugu qor erayo muujinaya inaad jeceshay, sida aad ayaan kuu jeclahay, fariid baa tahay iwm, una gali barkinta hoosteeda haddii aad baxayso iyaga oo jiifa ama u dhexgali shandadooda dugsiga si ay u ogaadaan inaad mar waliba niyadda ku hayso xataa haddii aad maqan tahay.
  • 14 U muuji ilmahaaga inaad jeceshahay,xataa haddii aysan kula joogin tusaale inaad codka kor u qaado isaga oo qol kale ku jira adiga oo amaanaya ama tilmaamaya inaad jeceshahay.
  • 15 Haddii ay ilmahaagu wax sawiraan, sawirkaasi darbiga ku dhaji dareensiina inaad ku faraxsan tahay waxqabadkaasi.
  • 16 Iska ilaali inaad ilmahaaga kula dhaqanto sidii uu waalidkaa kugula dhaqmi jiray waayo taasi waxay inta badan keentaa qaladaad, sabab, labada xillig oo kala duwan iyo adig iyo iyaga oo kala duwan marka xilliga iyo qofka oo kala duwan darteen iska ilaali inaad sidii laguugu soo dhaqan inaad ku dhaqdo , ee sida wanaagsan marxaladda iyo qofnimada ku haboon ku dadaal.
  • 17 Waad inaadan ilmahaaga kala hortagin waad qaldan tahay, haddii uu qalad sameeyay ee waa inaad tiraahdaa haddii aad sidaasi yeeli lahayd qaladkaasi ma dhaceen, dabadeedna aad barto sida saxa ah.
  • 18 Waa inaad sameysataan adiga iyo ilmahaaga eray sir idiin ah ama tilmaam idiin gaar ah oo aad ugu muujineyso inaad jeceshahay
  • 19 Isku day maalin waliba oo cusub inaad bog cusub furataan, lana ilaawo qaladaadkii shalay iyo wixii ka horeeyay, maalin waliba oo cusub waxay leedahay fursadeeda cusub oo aad isugu muujin kartaa jacaylkiinna iyo kalsoonidiida waana iney ilmuhu baraan.
  • 20 Ilmahaaga ugu muuji inaad jeceshahay siyaabo kala duwan sida dhunkashada, dhabta oo aad saarto , laabta oo aad ku qabato iwm, si kasto oo aad u badiso hababkaasi ilmuhu waa jecelyihiin ha yaraadaan ama ha weynaadaane.
  • 21 Waxaad guriga ku sameysataan sanduuq boosto oo aad adiga iyo ilmahaagu isku weydaarsataan waraaqaha uguna muuji waraaqahaasi inaad jeceshahay wixii ay qabteenna aad uga mahadcelineyso.
  • 22 Xusuusnow had iyo goor jacaylka waalidku inuusan shuruud lahayn, sidaasi daraadeed waxaa qalad ah inaad wiilkaaga ku tiraahdo " aniga waa ku jecelahay waayo imtixaankii ayaad gudubtay ama haddii aad waxaasi sameyso waa ku jeclaanayaa " waayo taasi waxay keeneysaa inuu ilmuhu is tuso kaliya inaad jeceshahay marka uu guuleysto oo haddii uu guuldareysto aadan jeclaaneyn , waa inaad u gudbisaa dhanbaal ah inaad abid jaceshahay waayo wiilkeyga ayaad tahay , dhinaca kalena inaadan shakhsiyaddiisa wax ka sheegin haddii uu qaldamo ee aad ka saxdaan wixii uu qalday ama aad ku dhiirigalisaa inuu marka soo socda guuleysto haddii uu hadda guuldareystay adiga oo tusaya inaad jeceshahay.
  • 23 U muuji ilmahaaga jacaylkaaga adiga oo daneynaya ra'yigiisa kala tashanaya arimaha qaarkood, qadarinaya dareenkiisa , tusayana inuu yahay qof muhiim ah qoyska dhexdiisa lagan ixtiraamo dadaalkiisa iyo kartidiisana abaal lo ohayo , qaladaadkiisan loo dhaafayo haddii laga qaldamana laga raali galinayo,.
  • 24 Ugu danbeyntii xusuusnow tiirka aasaaska u ah tarbiyadda wanaagsan waa xiriirka wanaagsan ee adiga iyo ilmahaaga idinka dhexeeya kaasoo dhaliya jacayl aan xad lahayn kalsooni iyo isku xirnaanna keenaa.

Haddii aad talaabooyinkaasi ku dadaashaa si sax ahan u fulisaa waxay keeneysaa in keydkaana jacaylka ilmahaaga uusan marnaba marnaaneyn oo uu badanayo.

soo uruurintii iyo diyaarintii C/casiis Aadan Faarx "Blacky"

    

 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_waberi22.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan