Gardarriyaa
1. Intaan adiga kugu gooniyaa geed hadaan la hadlo
2. Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene
3. Gaalada ha joogtee sidaan gacal ma yeeleene
4. Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey
5. Sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay
6. Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
7. Ama aan geyiga lagu ogeyn gabadh kaloo joogta
8. Gardarriyaa maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey
9. Gadiidkii an toosaba adaan kuu guntanayaaye
10. Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
11. Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey
12. Gardariyaa maxaan hodan cabdaay kaaga goi waayey
13. Mana guursan kari waayinoo geesi baan ahaye
14. Adaan kaa gungaadhaayey oo helay geddaadiiye
15. Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga goi waayey
16. Haatanse bal waan guursan haddii guulle ii wacaye
17. Oo weliba gedahaa ka dayan gobolladiiniiye
18. Iyadoo gabiib u eg markaan uga kaxaynaayo
19. Ee aan gahaydhiyo la tago gubanadii hawdka
20. Ee aan ganuunta ugu shubo Gooha lebenkeeda
21. Gibladiyo cayaaraha markuu geeljiruu tumayo
22. Ha geyoobin waataad lahayd gool jabaan helaye