AudioAcrobat!
 
 E-mail

DHALINTII DHAKAFAAR SANEED QEYBTII  4 AAD 

 

Intaa markeey is dhaaf sadeen dhalinyaradii ayaawaxaa hadalkii qaadatay xigmo
Xigmo:-  Waaw inta aad sheegtey ayuub waan kuugu raacsanahay, waloow adamigu alle uusan simin ruux waliba dabeecad gaara uu rabi u dhaliyaya uu leeyahay, isfahmid darada sideedaba waxey ka timadaa labada ruux ee lamanaha ah waana halka ey somalidu tiraahdo nin iyo naagtii colna maahan hishiisna maahan taa hadii lawada aamin sanyahay ma dumarkaa eede leh mise ragu? anigu anigoo dumar ahaan u hadlaaya waxaan oran lahaa ragaa denbiga iskale, anoon hadalka ku soo laaban doono bal figradiina soo dhiibta ragoow,


Duurgal:-  Cajiib runtii makaan dhabtii ka hadalno ama aan figradeyda dhiibto soomaali horeey waxey u tiri farkaliya fool madhaqdo, aqalka marka ladhisaayo markahore waxaa la adkeeyaa salkiisa si uusan u liican labada tiir ee ugu waaween uu ku taagan yahayna waa labada waalid, xaqa ka dhaxeeya maahan mid fudud ruux waliba kaalin ayuu leeyahay ruuxii kaalintiisa gaba aqalkii dhanbuu u liici durbadiiba waxaa laga dareemaa caruurtii aqalkaa ku nooleed, waxaan marnana liis weediineen oo hubaala in aqalkaa gudihiisa naaqudaha ama hormuudka ay tahay hooyada oo daqiiqad hadeey ka maqan tahay waala dareemi, hadaba taasi ayaa inoo cadeen in dumarka ey ayaga dhibka xoogiisa ka yimaado, ereywaliba oo xumaana ayaguu kasoo alkunmaa markaaseey hadana dacwada kaaga horeen ileen horaa loo yiri sirnaageed lama sirgaaree.


Salwa:-   Walee duurgal meel culus ayaad inaga taabatay dhabtiina waad taabatay oo inta aad nagu tilmaantay waa wax la dhihi karo waa jiraan mana jiraan, waxaase xasuus mudan anoon ku oraneen waxaad sheegtey waxba kama jiraan, waxa marka hore laga joogi la yahay ee caashaqa inagu abuuro waa raga, siduu kuu hanan lahaa waxa ereyo macaan iyo ismaskiiminta kabaxeeso waad yaabee waxwaliba ey gabadha markaa tiraahdo ma ii sameen? ok mooyee may oodhan afkiisa kama maqleesid, markaan idin uur jileecnee si laabsami idinku soo dhweeney ee aad aqalka nageesataan waxaad ula soo baxeesaan miciyo libaax idinkoo aaminsan waxaan rabi agtiisaba ka qorneen markaasaad ereyda afkiina kabaxaaya ee aan loo adkeesan karin yabee markii garta liisu dhigtoo loo yeerto odayaalna sideey diinteena inoo fartay garta in loo qaado looma qaadaayee hadaloo dhan waxaa lagu soo gaba gabeen gabadha waad ka gardaran tehee madaxa ka dhunko dibdanbana yey san kaa soo sheegan, asigiina inta gees lala baxo ayaa la leeyahay war dumarka madaxaa loo salaaxaa taadana waa laga wataa,miyeysan eheen (Qowda maqashii waxna ha u qaban) bal allaan idinku dhaarshee ninkaa saa loo carbinaayo muxuu iska dhaadhicin? runta isu sheegnee, reerkii dhisnaa madumarkaa dumiya misa raga caruurtiina yaa dayacay ? 


Dulmi:-   Yasalaam walee salwa waxba inooma reeban waana kuugu raacsanahay waa Halka labaad ee daryeel xumida inooga timidee cara alle inoogu soo degtey caruurtiina aan denbi kaga geleeno, hadii garta loo qaadi lahaa siduu rabi inoo jideeyey dhib madhaceen laakin markii garta loo qaado isku habar wacasho iyo qabiil uu aqalka kuu soo fariisto ruuxaan alle weligiis u sajuudinoo sida wax loo qorana aan garaneen, in reer halkaa ku dageen wey cadahay ragiina waxuu iskaba dhaadhicin inuu asaga gar leeyahoo gabadha eysanba waxba eheen, mareey gabadhii furka tuuratay aduun oodhan ey qastay ayaa la leeyahay waa mid madax adagee iska fur dumar wey buuxaanee ama katagoo xarigeeda ku dhib ayadaaa soo degiyee, soow wax lala yaabo mahan ereygii u horeeyey ey xigmo nalaheed Maduni aaqir samaanbaa madiintii baa suushay madadkii ayaa doorsamay mise anagaa dayacanoo danteenii garanla, waa ereyo xigmeesanoo u baahan in liisla meel dhigoo jawaab waafaqsan loo helee ragoow hadla  
 
Lasoco wiiga xiga taxanaheenii ahaa
DHALINTII DHAKAFAAS SANEED
W/Q Aweys Axmed Abukar
  All_xikaaya
 
 

 

Digniin 

Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo  haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws).  Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso.  Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso.

 

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo2.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan