Maxaa Guurka Yareeyay , Haasaawaha Kharibay , Furriinkana Badiyay ?? Bal Adba Garoo Ila Akhri Kadib Markaan Arkay Baahida aqoon darro ee dhalinyaradeena ka haysato arimmaha guurka , haasaawaha iyo waliba furriinka soo badanaya ayaan jeclaystay inaan maqaalkan kusoo minguuriyo qodobo muhiim ah oo xiiso badan kuwaasoo sababa ama keena dhinaca xun ee arimahan, waxayna noqon doonaan Qodobadan tababar lama ilaawaan ah iyo Casharo idinku soo mutixi doona Haddaad wada akhrisataan indhana i amaahisaan iyo wakhtigaba.. Guurku waa god madow oo gacanta la galiyay ,ragga guurku ku xumaado ee godkaas madow wixii rabeen ka waayana waxay yidhaahdeen, Guurku waa xadhig ninkii lagu xidhay isleeyahay allow yaa kaa fura, kan aan wali lagu xidhina isleeyahay allow yaa kugu xidha . Kasokow inta aynaan ugalin sababa keena furrinka wakhtigan waxaan jeclaan lahaa inaan si kooban uga hadlo sababa yareeyay guurka ee ka dhigay mar la arag iyo macne roob la dhaca oo kale . bal ufiirso dhalinyaradeena badankoodu waxay leeyihiiin sheeko ka dhaxayso qof gayaan ah , haddana sheekadaasi ma gaadho ilaa heer guur, sababta haddaba gurigeena wada ul ka dhigtay hadana ul la qaato loo waayay aan idiin sheego , ileen sheekadu waa gundhiga iyo aasaaska guri iyo qoyse . waxaa weeye macnaha shukaansiga ayaa inaga khaldan , shukaansigu waa baadigoob iyo raadin qofku raadinayo qofkii nolosha la wadaagi lahaa ,waxaynu umacnaysanay wakhti lumis,dano gaar ahaaneed iwm. bahasha beenta la yidhaahdo ayaa ku dhex milantay sheekada dhalinyarada wakhtigan waxaase kasii daran dhaqamada shisheeye iyo bayb-da oo halhays af daacad ah iyo uur dadan kasoo baxaysa ah, waxaase kasii daran 2% ayaa buurahaas kasoo gudubta oo sheekadoodu soo socotaa balse waxay arini dhabaqdaa markii ay gabadhu wiilkaas ku xidho lacagyow lagu kireeyo hotel , maradan cad ee dheer (taajka) iyo arimahaa jiitamaya isaguna aanu awoodin alihii ka alle ,markaas ayaa hogaanka loo jaraa xaajigii sanadaha badan hello-da ku hayay habeenada badan ee ku hurdo seegey alla ciil waynaa ! mid kale oo jirta ayaa ah iyadoo sida loo galo hawsha ama la isku barto ay tahay mid illaahay kaba cadhaysiinaysa ,waxaase sii dheer raggii oo aan u sheeko iyo haasaawe tagin sidiii guurdoon u haasaawe tagi jiray , islamarkaana isku wada hablo badan oo mar mar isku khaldaya magacyadooda . Waxaa kaloo jirta sabab yaraysay guurka taasoo ah dhalinyaradii oo guurkii sas ka qaaday kana aaminay fikrad odhanaysa guurku wuxuu soo kodhinayo majirto oo aan ahayn buuq qaylo iyo dhibaato maahe, waana saxoo indhahooda ayaa macalin unoqday markay arkeen kuwii hore oo arinkoodu yahay ijiid aan ku jiide. dhaqamada kale ee guurka yareeyay waxaa kamid ah isma geyno oo gunbaa tahay iyo wax aan waafaqsanayn diinteena islaamka iyo dhaqanka makhluuqa suuban.- Aan usoo degno waxyaabah Furriinka Keena ee gundhiga u Ah gaar ahaana qurbaha -Balse Kahor aan Iftiimiyo Furriin waa maxay. furriin waa wax laga naxo lagana xumaado, waa aqal dumay,waa riyo rumoobi waydaye, waa mustaqbal gaagaxay, inkasta oo uu bannaanyahay hadduu wato cudurdaarkiisa oo xal loo arko hadana Allihii baneeyay isaga ayuu ugu necebyahay xalaal oo dhan. bulshadeena wakhtigan la joogo haddii tiro koob rasmi ah lagu sameeyo waxaa la ogaanayaa in guurkii uu yaraaday, iyadooo dhibaatadaasi jirto ayaa waxaa nasiib darro ah in intii yarayd ee is guursanaysayna furriinkoodii iyo kala tagoodii batay. bilowga fiicani waa qayb kamid ah qorshe kasta iyo talaabo kasta oo la damacsanayahay in la qaado (yacni waa in talaabo fiican lagu bilaabo) dhalinyarada wakhtigan is guursada waxaa hubaal in aanay is dareensiin dabeecadahooda dhabta ah iyo dhammaan asbaabaha abuuri kara nolol iyo mustaqbal dheer, wuxuuna arinkoodu ku taxaluqaa xiiso yar oo keena guur degdeg ah , taasna waxay caqabad ku noqotaa gurigooda iyo noloshooda danbe sababtoo ah qofkastaa hadhow wuxuu lasoo baxayaa (true face) oo aan la isku baran... waxaa jria xaalado qalafsan oo keena in ay lamaanuhu kala tagaan waxaana kamid . *guriga lamaanaha oo aan Allaah laga xusin laguna cibaadaysan taasna waxaa ka faa,idaysta shaydaanka oo is nacsiiya qoyska. *dhaqaalo yari soo wajahda qoyska, dilid iyo gacmo ka hadal axmaqnimo ah oo uu sawjku kula kaco marwadiisa, labadooda midkood oo aan kasoo bixin waajibaadkii uu kan kale ku lahaa,is aaminaan iyo isku kalsoonaan la,aan , family_ga ay lamaanuhu kasoo jeedaan oo mar mar ka qayb qaata kala gaynta qoyska ayaa iyaguna qayb wayn ka qaata qarnigan kala taga iyo furriinka badan ee bulshada kusoo badanaya. *ninka oo gabadh kale guursada oo ay tan hore ku khasabto in uu ufuro, iyo sidoo kale maqaadiirta Alle swt ee dhinaca awlaad ayaa iyadun meesha ku jirta oo qayb ka qaadata kala taga. *dhalinyarada qaarkood oo uu ka marin habaabsanyahay macnaha wayn ee guurku leeyahay iyadoo qarnigan ay jirto wax lagu magacaabo danaysi labada qof midkood uu ku dangaadho qof kale oo ah dulmi ayaa sababta mararka qaarkood kala taga iyo furriinka fooshaxun. *Raggii uu noqday kuwo aan masuuliyada qaadi karin gaar ahaan qurbaha pp dumarkii la tirsanaya, u gacan qaadaya, dulqaad lahayn, ayaa marwooyin badan ku kaliftay in ay door bidaan nolol ka gedisan midan waxayna ka haajireen guryahoodii. * awoodii dumarka iyo ragga oo aad moodo in ay isasoo gaadheen, hadaad taqaanay gabadh gurigeeda joogta oo ninkeeda ka sugta biil imika waxaas waa laga yimi gaar ahaan qurbaha waxaana soo badanaya dumarka wax lasoo baxa ee shaqeysa, waxaana jira rag badan oo dumarkoodu biilaan , mar haddii ay sidaas tahayna haweeneydii uma baahna in amaro lagu soo dul rogo, iyo cid maamusha toona,,haddii uu sawjku isku dayo arinkaasna waxaad maqlaysaa kalmadii caanka ka noqotayu qurbaha ee ahayd (NINKII HEBEL BAC MADOW AYAA BANAANKA LOOSOO DHIGAY ) allaahum ma najinaa . *dumarkii oo uu furiinkii waxba la ahayn oo aan waxba u arkin, haddii aad arki jirtay gabadh ninkeedii kala tageen oo niyad jabsan, calool xumo hayso, imika waxaasi majiraan waxaanan maalin dhaweyd idaacad kaba maqlayay in loo dhigo xaflad balaadhan gabadha markii ay kala tagaan , xafladahaas oo la yidhaahdo (KA MAYDHO WIXII KUSOO MARAY !! ) *waxaa kaloo jirta in la isku daro labo qof oo aan da,ahaan isku dhaweyn, oo gabadh yar loo dhiso nin cimrigiisu ka hadhsan yahay 10 sano kadibna ka dhinto iyado haysata 2caruur ah taasna ma haboona walaahi, marka dadka isku ayniga ah oo aan la isku xulin ayaa iyaduna dhibato soo jireen ah, hadhowna loogu yeedho (carmal, garoob) *labada qof midkood oo lagu riixo guurka isagoonan ka raali ahayn guurka ayaa noqotay hadhow caqabad kale oo mustaqbalka danbe waxyeelo ku leh, marka dadka la isku khasbanayana waa laga fiicanyahay siday ila tahay. BY:waxaa soo ururiyey saadaq cadoow
|