jidka lagu gaaro jannada 1-wuxuu yiri nabiga (scw) qofkii alle lakulma asagoo u shariik yeelin wuxuu gallayaa jannada (waxaa wariyey Bukhaari) 2-cidii ALLE iyo rasuulkiisa rumayso salaada toosiya oo ramadanka sooma alle dushiisa waxaa ku waa jib ah jannada( Bukhaari)
3 -qofkii dhissa masjid isagoo ku raadinaya wajiga ALLE, ALLE ayaa ugu dhisaaya masaajidkaasii oo kale jannada dhexdeeda (Bukhaari)
4 -qofkii tukada labada qaboobe (waa subaxdii iyo casarka)jannada ayuu gallayaa ( waxa wariyey Bukhaari )
5-qofkii ukallaha masaajidka una caraaba illaahay wuxuuna u diyaariyey martiqaadkiisa,marwallba uu la kallaho ama uu carraabo (Bukhaari)
6-wuxuu yiri nabiga( scw) yaa ii damaanad qaadaya 2 laf gareed inta dhaxaysa iyo inta u dhaxaysa 2 lugood(waaa carrabka iyo xubinka taranka)oo aan u ballan qaadaya janno (Bukhaari)
7-qofkii tukada 12 rakco maalinka iyo habeenka dhexdooda 12 kaas rakaco sababkoodii wuxuu ALLE ugu dhisayaa guri jannada dhexdeeda.
8-qofkii qaada waddo isagoo ku raadinaya cilmi wuxuu ALLE u fududeeya jidka jannada waxaa wariyey (Muslim)
9-qofkii u dambeyssa weedha LAAY ILLAAHA ILLALLAAHU markuu dhimanayo hadallkiisa wuxuu gallayaa jannada.
10-nebiga (scw) wuxuu jiray; runtu waxay qofku ku hagtaa wanaaga, wanaaguna wuxuu qofku hagaa jannada
11- ALLE wuxuu ballan qaaday qofkii jid kiisa ku jihaada, isagoo uu san bixinaynin jihaad mooyee iyo rumayn uu rumaysan yahay weedha ALLE- in uu galiyo jannnada.
12-wuxuu yiri nabiga (scw) hooy dadoow salaanta faafiya oo dadka quudiya oo tukada xiliga oo ay dadka jiifaan, jannada ayaad gallaysaa waxaa wariyey (Tirmidi)
13-wuxuu kalloo nabiga yiri(scw) cumro ka cumro wuxuu ALLE ku dhaafaa wixii dunuub ah ee u dhaxeeya xajka lagu samafallayna(axkaantiisala ilaaliyey) abaalkiisu ma aha janno mooye wax kale.
14- ALLE wuxuu lee yahay 99 magac qofkii kor ka qabta wuxuu gallayaa jannada (Bukhaari)
15-wuxuu yiri suubanahu (SCW) waxaan arkay nin ku raaxaysanaya jannada dhexdeeda wuxuu taa ku hellay geed dadka dhibi jiray uu ka jaray waddada
by abdinassir
|