|
Gardaran !!
Waxaan ku dhawaaday inay Ilin kalgacal iga soo dareerto, waxaa iga tan badiyey culeyska soo fuuley qalbigeyga, waxaa buuxiyey quluubteyda dareen iga xoog badan. Ma aqaano si aan u aamusnaado, waad ogtahay in aan dhowr jeer kuu sheegay dhibka heysta nafteyda taasoo ay u keentay aragtida muuqaalkii yaraanteena ee keenay in aan ku janto. Waxaan ahay Cumar yare oo aad si fiican u taqaano, ma aha qof kugu cusub ama dhawaan aad is barateen, tan iyo yaraanteenii inaan meel iskula soo kornay daah kaama saarna haddaadan adigu dafiryenin taa…… abaayo ma waxaad jeceshahay ku faanidda dhibka I heysta si aad u tusto dadka kale ee hareefadeyda ah, jacaylka igu cayaaraya ee aan hiilka kaaga waayay ma dan buu adiga kuu yahay, adigoo iska indho tiraya runta, isna ilowsiinaya heerkii nololeed ee aan isla soo qaadanay yaraanteenii…. Waan kugu wareeray oo marba si ayaad iila hadashaa kol waxaad ii sheegtaa in aad tahay qof jacayl lagu cidleeyay hadda kahor oo aanba u soo jeedin mar dambe jacayl iyo afaarihiisa….marna waxaad ku doodaa inaad nin ku mehersan tahay… Si kasta oo ay tahayba waxaan hubaa in ereyadaasi yihiin kuwo aad igu sii fogeyneyso, ma aqaano in aan dambi hore kaa galay oo aad iga aarsanayso, waxaanse kaa codsanayaa in aad iiga hiiliso caashaqa I cadibaya. In badan markii aan ku fooraray qorista warqaddan aan uu qorayay Xamza ayaan madaxa kor u qaaday, markaas ayaan halkeedii ka sii waday qoraalkii…. Haddii aad tahay qof insaan ah ama qalbi jilicsan waa hubanti in ereyadani aad laab furan ku soo dhaweyn doonto, ayaga oo kaa taaban doono meel weyn oo ka mid ah beerkaaga. Haddiise aad noqoto dhagax aan waxba gelin, waxaad ogaataa in aad mar uun waraabi doonto abaalmarinta nabsiga oo ku qudh-qudhsiin doona dacarta aad xaqa u yeelatay … Waan kuu cawday, gacmahana kuu soo taagtay si aad iiga bixiso Badweynta moolka ah ee aan dartaa u galay… wax walba haku qaadato abaayo, caawimaad ii samee oo iiga hiili Jacaylka, maxaad iigu martiqaadaysaa kalmadda afarta xaraf ka kooban ee kharaarka badan leh ee MAYA!!! Miyaadan ogeyn in ereygani uu wax u dhimayo nolosheyda, qalbigeygana dhaawacayo. Waxaan u malaynayaa oo in aad si fiican ugu raaxaysanayso calaacalkeyga…. Waxaad iska rabtaa inaan mar walba la soo taagnaado “WAAN KU JECLAHAY” mase ogolid in aad gargaar ii fidiso. Weligey gabar warqad uma aan qorin, waanse adkaysan waayay, jacaylka aan kuu qabo ayaana igu xambaaray inaan warqaddan kuu soo qoro… Caku naf aan kuu garaabeyn… Fadlan Xamza mar uun ii garow abaayo. Waan hubaa in ay kaaga darnaan doonto haddii aan u dhinto dhibta aan kaa codsanayo wax la qabashadeeda, sow adiga ku soo bixi meysid gacan ku dhiigle? Ama qof dartii loo dhintay? Balse waxaan kaa codsanayaa kahor inaad ii fidiso gargaar degdeg ah. Bal fiiri indhahayga sida ay u guduuteen, ilinta ka qubanaysa cawo iyo ayaan… CAKU DUMAR ILEYN KAAMA KACAAN HADDEY KU LEGDAAN. Si kastaba ha ahaatee waxaan sugayaa goorta uu caqligu ku tuso inaad ii gargaarto marka ay naxariis soo gasho qalbigaaga, goorta aad dareento dhibka aadanaha, marka ay kula noqoto in naf ku jecel aan la xumeynin….waqtiga uu jirku ku damqado… aminta ay oohinteydu ku dhibto, waa waqtiga aad garato inaad dhiigeyga ku nooshahay…. Waa marka aad labada gacmood iigu soo taagto si niyad ah oo aad hab I siiso, kolkaas oo aan heli doonto dhunkashada dhabta ah ee ugu macaanayd nolosheyda. Waxaan ku dheeraaday qoraalka warqaddaa wejiyada badan ee sida fiican uga hadlaysa xaaladda ugu dambeysa ee jacaylkeygu marayo. Xamza ma ahayn qof muraad iga leh, waxaana u qoray warqaddii ugu dheereyd ee naf wax jeceli isaga hadasho…. Aniga oo si fiican u fahamsiinaya nuxurka cishqiga ka buuxa laabteyda ee aan iyada u hayo, waxaanse ka qaaday colaad iyo in ay nafteyda halis geliso….. markii ay iska key reebi weysay ayay ii soo dirtay Saddex nin oo Mooryaan ah oo iga takhalusa, waxayna Labo habeen iga goobayeen Biibito aan fariisan jiray, iyagoo weliba si kama’ ah u rasaaseeyay wiil ii muuqaal ekaa kaasoo nasiib wanaag ka badbaaday xabbadihii lagu furay. Waxaa layaab igu noqday in Jacayl daraadii la ii dilo, in naf aan badbaadiyey markii ay dhaawacantay ee dhiigeyga aan ku shubay I toogato, in qof noloshaada u sabab ahaa aad geeri u shirqoosho, haddana waxaan ogaaday in ay tahay Gardaran !!. Si kasta haddii aan ula hadlay garowshiyo iska daaye aniga ayaaba halis galay, waana ka waayay wax maciin ah, ma dhicin xitaa in ay niyadda ii dhisto…. Iyadoo ay sii badanayeen dadka ogaanayay jacaylka aan u hayo…waase baraaraheeda. Waan ogahay in marmar ay si tustus ah telefoon iigu soo diri jirtay, iyada oo iska dhigeysa in ay naxariis ka tahay oo ay ogaanayso xaalkeyga caafimaad, waxayna ka mid ahaa khiyaamooyinka ay ku damqineyso boogta jacayl ee igu taala ee ay ka cabsi qabto in ay bogsato. Dhowr jeer ayaan u sheegay in haddii jacayl lagu xumeeyay aysan aniga iga aarsan….waan u caddeeyay in dambi qof kale ka galay aysan aniga ii qaadin, waxaan ka cabsi qabay in ereyada aan is leeyahay wax ku soo dhaweyso ay wax iiga sii fogaadaan. Galab aan jidka xaafadda isaga hor imaanay ayaan iri “Abaayo Xamza….abaayo Xamza maku qancaysaa dambi qof kale in aniga la iga gudo” wax kalmad ah iyadoon ii dalacin ayay iska key leexisay horeyna u sii socotay. Waxaan gaaray inaan eersado barashadeedii hore, jacaylka maanta bannaanka ii soo tuuray muddo badan ayaan qarsanayay, markii aan adkaysan waayayna hadal la’aan ayuu bannaanka I keenay. Uma malaynayo inuu joro qof insaan ah oo qalbi adag, “I qabo gacanta nooh” ayaan kaligay isaga dhawaaqay, sidii ay ila joogto….waan shakiyey, waxaan u maleeyay inaan waashay, sheydaanka ayaan iska naaray, markaas ayaan tukaday labo rakaco oo salad sune ah, Ilaahayna ka baryay in qalbigu ii dego. Waxaan la yaabanahay fikradaha caqliga ka fog ee nafta wax jecel ku soo dhaca, mararka qaar wax aan macquul ahayn ayay ku tusineysaa… waxaan ogahay haddii la igu daro haween midda ugu quruxda badan aduunka in aanan ku bogsanayn, mana jirto sabab qalbigeyga ka saari karta Xamza, inta aan ogahay in ay adduunka ku nooshahay. Waxaan xal moodaa wax aan dhici karin, waxaan qaadaa wadiiqooyin mugdi ah, milicda qoraxda ayaan ku luggeeyaa, dhaan-dabagaalo ayaan u arooraa… iftiin rajo oo aanan jirin ayaan higsadaa, kalgacal aan la ila wadin ayaan sacabada ku qaadaa, qalbi duugoobay ayaan naxariis ka raadiyaa, dhalanteed ayaa ii hilaacay, markaasay dhegihii waanadu diideen. Haddaba maxaa keenay jacaylka intaa la’eg ee halista igu haya, iga raali ahaada iina ogolaada inaan dib u milicsado, xusuusta damqashada leh ee bilowga Jacaylkayga. Xamza waxay ahayd gabar yar oo da’deedu tahay 7-sano, waxaana ka itaal roonaa wax aan macno saas ah lahayn oo 9-sano ayaan jiray, marka ay gashay qalbigeyga, mar walba waan la cayaari jiray….ag joogeeda ayaan ka heli jiray….Aabahay waxaan ku qasbay inuu ii soo bedelo Dugs Qur’aanka ay dhigato, anigoo Macalinkeyga been ka sheegay, isla markaana amaanay midka ay dhigato balse si aan ugu dhawaado Xamza. Aabahay waa iga aqbalay, farxad fursado aan kula dheelo Xamza ayaana ii bilaabatay, dhowr jeer Macalinku wuu igu garaacay markii uu xamxamteyda hoose ka yaabay….Xamza kolay ku tahay waxaan u soo jiiday garaac iyo la duubo. Si kastaba ha ahaatee waxaan ogaa inaan jeclahay Xamza, waxayse ila ahayd in aan u hayo jacaylka waalidkey oo kale ama midka aan u hayo walaashey iga weyn ee Maryan. Adduunyada waxaan ugu jeclaa xilliyada roobku da’o oo aan heli jiray fursad aan kula cayaaro Zamza, Majaraafaha xaafadda ayaan iskula qubeysan jirnay anagoo dharkeenu nagu qoyay… Caku aaway berisaamdkii, macaanaa nolosha yaraanta ee jacaylku ku jiro…. Weligey uma heysanin in waxani yahay jacaylka keena guurka ee dadka qaangaarka ahi dhex mara, ma ogeyn in uu yahay midka isku soo dhaweeya Jinziga iyo Labka, waanse yaqiinsaday. Haddaba kolkii aan qaangaaray waxaan ogaaday inaan ahay nin jacayl helay, waxaan xusuustaa yaraanteenii mar aan weydiiyey su’aashan “Xamza maxaa la isu guursadaa?” waxayna iigu jawaabtay “waxaa la isu guursadaa in Ciyaal la isu dhalo”, waxaan dareemayay in ay aad u caqli badan tahay, garaadkeeduna uu ka weyn yahay da’deeda. Maalin ka mid maalmihii ciyaalnideena ayaan weydiiyey su’aal kale oo ahayd “Xamza haddii aan weynaano, ma iga ballanqaadaysaa inaan is guursanaynaa aniga iyo adiga” si degen aansho ku jirto ayay iigu jawaab celisay “Maya, ma ballanqaadi karo” waayo haddii aan weynaado waxaa dhici karta in aan iloobo ama wax kale igu dhashaan, marka ogow ballantu sahal ma aha…. Cumar yare weligaa ballan ha isku qaadin, waxaa dhici karta in aadan fulin doonine”. Waxay ahayd mid caqliga la soo kortay, aawayse…..? Aniga ayaa la iigu kari weyday in ay iiga garowdo cishqiga wareeriyey nafteyda, dhibaatada igu raran, nolosheyda mugdiga gashay, wey diidey inay iga caawiso waxa dhibka igu haya, marnaba indho naxariis leh wey igu soo eegi weyday, caqiligeedu wuu ku soo dhici waayay oo ma ogolaanin in ay iiga naxariisato. La soco asbuuca danbe. Yaasmiin Mayoow Digniin Dhamqaan cidii isku deydo in ay qaadato sheekadaan iyagoon fasax ka heysan Abwaankii qoray iyo bogga 4somaliwomen.com. Waxaan la marinaa sharciga wadanka uu joogo haduu yahay wadan dhowra sharciga Koopi Riiteka (Copy Right Laws). Waxaa lagu soo bandhigaa boggaga aan saaxiibka nahay oo wada shaqeynta ay naga dhaxeyso. Hadii laga soo helo sheekadaan website aan ahayn 4somaliwomen oo fasax la'aan loogu soo dhajiyo, waxaa bogaas lagu daryaa boggaga Hackerska interyada oo waxaa lagu dacweynayaa qolada Hostingka u sameyso
|