Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

 

Sacdiyo oo ah gabar la nool HIV oo codsaneysa in loo gargaaro

 

 

 

Sacdiyo C/laahi Xasan oo ah  hooyo leh 3 caruur kuna nool magaalada Muqdisho ayaa waxay  Sacdiyo  sanadkii 2006-dii  iyadoo ku sugan meel tuulo ah ay la xanuunsatey xanuun ay moodey mid wax laga qaban karo, mudo markii ay Sacdiyo xanuunkeedii isa soo taraayey ayaa walaalkeed u soo kaxeeyey magaalada Muqdisho, si uu wax uga qabto xanuunkeeda, markii dhowr dhiigag  laga baarey Sacdiyo ayaa ka dib mid ka mid ah dhiigaasi laga helay Veruska loo yaqaan HIV, walaalkeed oo markaa aad uga naxay ayaanba u sheegay xanuunka haya Sacdiyo, Sacdiyo waxaa dib loogu celiyey tuuladii ay ka timid, mudo ka dib markii ay  aragtey Sacdiyo xanuunkeeda mid aan soo wanaagsanaaneynin ayay dadkii ka ak dhawaa waxay ka codsatey in mar kale magaalada Muqdisho loo soo celiyo si mar labaad ay  u ogaato xanuunka ay la liiceysay.

Sacdiyo maalin maalmaha ka mid ah ayaa laga baarey dhamaan noocyada dhiiga ee xanuun waa laga baari karaa leys lee yahay.

Sacdiyo mar qura markii loo sheegay in ay qabto HIV ayaa waxaa la wareegay dhulka.

Haddaba markaas ka dib maxaa dhacey,? . Sacdiyo waxay ii sheegtey ku dhawaad Sanad inay si toos ah siriirta ugu aruurtey, dhamaan ummadihii ka ak dhawaana ay faquuqid, cambaareyn iyo hadal xumo waxaan aheyn wey ugu gargaari waayeen, Sacdiyo talo faraheedii  waa uu ka baxay waxay maalinba maalinta ka dambeysa ay ahaaneysay gabar miisaanka culeyskeeda uu sii yaraanaayey.

Sacdiyo waxay iskula sheekeysatey in xanuunkaani uu yahay mid Alaah uu u keenay kana qaadi karo ayna tahay mid ka mid ah imtixaanaadka uu Alaah ummadiisa ku fulinaayo, Sacdiyo waxay markaas iyo wixii ka dambeeyeyba ay bilowdey inay sariirta sare uga kacdo,  kadibna ay raadiso  daawooyinka soo celiya difaaca jirkeeda,

Sacdiyo ayaa si hoose iigu sheegtey in iyadoo ilaalineyso sumcada qoyska ay ka  soo jeedo aanan isticmaalin magaceeda dhabta ah, maadaama ayay tiri xanuunkaani ay dadka badankii ay ka aaminsan yihiin inuu ku yimaado Macsi ama galmood xaaraan ah oo la sameeyo, Sacdiyo ayaa sidoo kale ii sheegtey 3da ubad uu ilaahay siisey uusan midkooba qabin xanuunkani, wallow ayay ii sii raacisey aabaha dhalay ubadkaani ay  kala tageyn  ka hor Sanad inta aanan lagu sheegin xanuunkaasi

Si kastaba ha ahaatee, Sacdiyo waa gabar illaah uu ku maneystey Iimaan, Dulqaad iyo Alla aamin, ayaa mudan in wax loo qabto, ma ahayen xilligii ay ii warameysay Sacdiyo qof ka naxsan xaalada ay ku sugneyd, iyadoo ii dhoolaceyneyso ayay iigaga sheekeysay xaalkeeda sida uu yahay, markaas ka dib ayay Sacdiyo waxay iga codsatey inaan ummadaha islaamka ah gaar ahaan Soomaalida u gargaarto walaalahooda Soomaaliyeed ay ka saacidaan daawooyinka difaaca jirka iyo cunooyin nafaqo leh taaso u baahan dhaqaalo lagu iibiyo.

 

Haddaba walaalayaal Sacdiyo oo ah gabar Soomaaliyeed dhibna uu heysto si geesinimo iyo dadnimo ay ku jirtana ay banaanka u soo dhigtey xanuun ay dadka badankii ay ka aaminsan yihiin wax aad u xun, miyeynaan aheyn inaynu ka gacansiino nolol maalmeedkeeda.

Walaalayaal hadii aad u baahataan Sacdiyo kaalmeynteeda

Waxaad  ku soo hagaajin kartaan

Yasmin Mayow Maxamed

Email:- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Phone:-0025261-5590407

0025250-410004

Somalia Mogadishu