Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

Fadlan u gar gaara Kutubeey  oo ah hooyo ay naafeeyeen kooxo hubeysan

 

Waa arin la yaab leh oo ka dhacdey dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, mar walboo aduunyada aad ku sugan tahay hadana aad tahay qof raadinaayo xal u helida dadka dhiban gaar ahaan kuwa ugu liita bulshada waxaad la kulmeysaa goor iyo ayaanba  waxyaabo kaa fajiciya,  hadana ay caadi ka tahay dalalka ay ka taagan yihiin colaadaha.

 

 

   Kutubeey Muumin Sheekh  Waa hooyo geysta 3 caruur,  dadeeduna waa 30 jir balse xiligii ay gabadha yar aheyd waxay la kulantey dhacdo ay ku weysan lexaadkeeda.

 

    Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo Kutubeey ka timid suuqa weyn ee loo  yaqaan Beerta ee degmada Waaberi ayaa waxaa jidka ay ku soo socotey u istaagey 4 nin oo hubeysan, Kutubeey dareen cabsi leh ayaa galay, iyadoo moodey inay u baahan yihiin alaabada iyo lacagta ay sidato, Kutubeey markii ay u soo dhawaateyba waxay u taagtey waxay sidatey, balse debleydii mid  ka mid ah ayaa ku yiri cod dheer , “Naayaa waryaa waxaan rabno maahan xoolaha aad sidato ee waxaan dooneynaa naftaada ee na hor kac” Kutubeey waa ciyaal xiligaas oo wax badan wey ka fahmi weysay ujeedada dhabta ah oo ay doonayaan.iley waa saqiir aan weli qaangaarin, dadeeduna waa   13 jir ah, Kutuneey waxaa u bilowdey baqdin, intey yeeshay amarka dableydu ayay raacdey iyadoo u maleyneysay inay suaalo un weydiin doonaan,  markaa ka dibna ay  iska sii  deyn doonaan,laakiin arintu sidaa ma aysan noqon, ee maxaa dhex  marey kooxihii  hubeysnaa iyo Kutubeey? Kutubeey waxaa lagu amrey markiiba inay u raacdo aqal isla meel u dhow halka ay ku qabsadeyn ku yiiley, waxaana lagu  yiri Kutubeey, . “Naayaa gal gurigaani” Kutubeey cod kulul ayaaba markiiba ka soo goay waxayna si geesinimo leh ku tiri,   “waryaada intaad  I dhaafsiin laheydeen gabarnimadeyda inaan dhintaa ii roon” markaas ayay Kutubeey ku soo boodey mid ka mid ah debleydii waxayna kula dhegtey qorigiisii,

Kutubeey oo si xoogaan ugu dhegan qorigii debleydu sitey ayaa waxaa ku soo baxay wiil ay isku degaan ahaayeen ee la yiraahdo Cabaas, Cabaas markiiba markuu arkey Kutubeey oo qori kula dhegan niman hubeysan wuu baqey wuxuuna ku yiri “Kutubeey iska daa qorigiisa waxba kuma yeelaayo” Cabaas intaas wuu awoodi waayo wax sii dhaafsiisan.

Kutubeey iyadoo markaasiba ay sido nafta ayaa is tiri, bal iska yeel hadalka wiilkaani,

Qorigi ayay u siideysay Kutubeey markaas ayay isku deyday inay ka cararto.

Kutubeey waxayba ka war heshay shanqarta  qoriga Ak45 oo si baas ah u dhacaya, markiiba dhulka ay afka  ku darsatey, Kutubeey, wey garan weysay siday wax ugu dhaceyn ileyn naxdintii iyo maqalka rasaaska ku dul dhaceyso oogadeeda ayaa maskaxdeedii qaadey.

 

Kutubeey markii ay xaaladeeda halkaas ay sii mareysay ayaa waxaa ku soo baxey,  dad iyaguna aad uga   baqdin qabey kooxda hubka rideysay, qof weliba meesha uu joogey ayuu dhegta ka soo taagey, markii ay ogaadeyn in hubkii dhacaayey aysan meel cidlo ah ku dhicin laakiinse uu istaagey shanqarta qoriga ayay mid mid madaxda banaanka ugu soo baxsadeyn,  Markii muqaalka debleyda la waayey ayaa lagu soo baxay Kutubeey, Miskiin waa gabadh yar oo dhulka ku rafaneyso, qof walboo halkaasi ku sugnaa xiligaasi isagoo dhinacyada iska eeg eegaayo ayuu isu taagey inuu Kutubeey ula cararo goobaha caafimaadka ee xiligaasi shaqeynaayey.

Kutubeey waxaa lala beegsadey oo  loola cararey isbitaalka Keysaneey ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho,

 

 

   Xaalada caafimaad ee kutubeey waxay ku soo afjarmatey inay weydo mid ka mid ah lexaadkeeda ee ah Lugta midig , in mudo ka dibna markii ay inan noqoteyna reerkeeda ayaa u gartey inay u guuriyeen wiil ay ehel wadaag yihiin dhaqaalo ahaana aan awoodin inuu Kutubeey nolosha ubadkeeda iyo mideedaba xal u helo.

 

Kutubeey waxay ka mid noqotey dadka ku nool Muqdisho oo xadgudub nafsiyan loogu geystey dalka, waxayna dhacdadaasi naxdinta gaarka ah u ah Kutubeey ay  ku weyday lexaadkeeda.

 

Qof walbo wuxuu geysto maalin ayaa laga xisaabtami doonaayee ee walaalayaal aynu ka wada qeyb qaadano nolosha qoyska reer Kutubeey oo ah mid waxkaqabasho u baahan.

 

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

0025250-410004

0025261-5590407

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com 

Somalia Mogadishu

 

Comments  

 
0 #1 ADAMS 2014-09-26 15:52
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this:
Quote