Sheeko Qosol Badan

BBC NEWS

 E-mail

Wallaal Alle dartii ma u kafaalo qaadan kartaa hooyo Indhool, Curyaan, iyo Goblan ah ?لن تنالو البر حتى تنفقوا مما تحبون وما تنفقو من شىء فان الله به عليم 

 

Hooyo Aamina Muuse Cismaan waa hooyo indhool ah isla markaana ay u weheliyaan Curyaannimo iyo Goblannimo.

micnaha ma laha caruur iyo cudud midnaba. haddaba hooyadan oo sidaad sawirka ku aragtaan ah qof da,a isla markaana aan haysan dhaqaale lagu baxnaaniyo ayaa waxaan ku booqdey gurideeda oo buul yar ah ugu horeyntiiba waxaan arkey nolosha adag ee ay hooyadani ku sugan tahay waanan ka damqadey.

 waxaan intaas kadib isku dayey inaan wareysto waaney ii suuro gashay su,aalo dhawr ah oo aan caadi u weydiiyey ayaa waxaan ka helay jawaabo aanan jecleysan oo murugo iyo muuqaal xun kaga tagey qalbigeyga waayo waxaa ay hooyadani ii sheegtay iney curyaannimadeeda u weheliyaan indho la,aan iyo Caruur la,aan. si kastaba ah ahaate waxaan weydiiyey oo kale maadaamo oo aaney haysan awlaad sida ay ku dabarto nolol maalimeedkeda.

waxaa ay uugu jawaabtey waan dawarsadaa oo waxaan fadhiistaa geedka ku yaala dariiqaa dheerwaan ka tagey waxaanan uugu balan qaadey inaan dadka islaamka ah u soo bandhigi doono wixii jawaab ahna aan ku soo celindoona insha Alaah, laba bari kadib ayaan soo marey xalkii ay hooyadani ii tilmaamtey iney ku dawarsato waxaaney isla markiiba indhaheygu qabteen iyadoo sidey ii sheegtay fadhida geedkii dadka soo maraana qaarna wax siinayaan qaarna dhaafayaan,hooyo Aamina waxaa ay la dagan tahay wallaasheed oo iyaduna ah qof weyn laakiin aan dhaqaale ahaan waxba dhaamin, haddaba waxaanu akhristayaasha Sharafta badan ka codsanayaa iney hooyadan dhibaatadaasi haysato wax soo taraan gaar ahaan si joogto ah wax u soo taraan iyadoo mihiimna ay tahay ineynu niyada iyo qalbigaba ku hayno in la iskukeen imtaxaanayo,qoftan oo kalena waa kuwa ay diinteenu ina fareyso in wax la taro, waxaad si toos ah aad uugala xidhiidhi kartaa 

 

wakiilka 4somaliwomen ee magaalada hargeisa Barkhad jama HirsiEmail: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Tell: 002522+4424510  

kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com
 

 

Hibaaq

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg