Waqtiyada Salada

Cunto Karis

jidka janada

Ali Sufi Home Academy

Quba Masjid

Sheeko Qosol Badan

BBC Radio

BBC NEWS

 E-mail

Hooyo Wiilkeedii oo Waalan Aqalkii ku gubey gargaarna weydiisaneysa Bulshada Somaliyeed!

 
Hooyo Caasha Cabdi waxa ay ka mid tahay danyarta magaalada hargeisa waxaaney dhashay wiil maskaxda ka jiran oo mudo dheer xanuusanaayey,
haddaba wiilkan oo aan hore looga baran wax dhib ah ayaa habeen hore markii ay saacadu aheyd 2:30 habeenimo taariikhduna ku beegenyd8/6/2010 ku kacey fal aan caadi aheyn.
 
wiilkan ayaa waxaa uu la seexan jiray hooyadii caasha waxaaney wada galayeen sidaad sawirkan ku aragtaan guri ka sameysan maryo iyo qoryo ama Buul iyadoo hooyadii jiifto aqalka ayaa intuu gacanta la haleeley faynuuskii guriga dhexyaaley ku tuurey qori kamid ah qoryaha gurigu ka sameysnaa waxaanu falkaasi sababey inuu dhamaan aqalkiiba shufbeelo.
 
dhacdadan kadib ayaan booqdey hooyadan iyo wiilkeeda oo horfadhiya aqalkii ka gubtey waxaaney waydiiyey sidey wax u dhaceen wareysi dheer kadib waxaa ay hooyo caashi ii sheegtey gabagabada hadalkeeda inaaney cidi waxba ku noqon  haddana ay naawileyso sidii aqalkeedii oo kale ay dhismihiisa u yagleeli laheyd laakiin aaney haysan dhaqaale ay ku dhisato aqalka buulka ah dhismaha guryaha noocan ah ayaan inta badan ku kicin kharash badan.
 
waxaaney ka codsatey dhamaan dadka islaamka ahi iney waxtar u soo fidiyaan si ay uuga baxdo dhaxanta iyo cedceeda iyadoo hadda lagu jiro wakhtigii roobka inta badana magaalada hargeisa roobab ay ka da,aan,

ugu danbeyntii waxaanu ka codsaneynaa dhamaan wallaalaha islaamka ah iney waxtar u fidiyaan hooyadan dhibaateysan
waxaanad kala soo xidhiidhi kartaan
 
wakiilka magaalada hargeisa ee webka4somaliwomen.com
 
Barkhad jama hirsi