E-mail

FARTUUM MAXAMED:”WAAYAHA COLAADEED WAXAA UU LA TAGEY NUURKII INDHAHEYGA EE WALAALAYAAL II GAR GAARA WAXAA AHAY  GABAR KU XARIIRTA HOOYO CUURYAAN AH 

    Anigoo  ka imid aqalkeyga una socda isbitaalka  hooyada iyo dhalaanka ee  Banaadir   waxaan  baabuur ka soo raacey  Jamhuuriya degamada Kaaraan waxaan uga tegtey Suuq bacaad markaan lugta ka sii dejinaayey gaarigii waxaaba si xoog badan isku dayey inuu gaariga aan saarnaa xabad ku joojiyo maleeshiyo kooxeed si aan naxariis laheyn ayuu xabad ugu soo tuurey gaarigaan saarnaa markaas ayaaba miir iigugu dambeeysay waxaa leyga qaadey goobtii waxaa leyla cararey Isbitaalka markay miirkeygii aan helay ee aan damcey inaan  fiiriyo ehelkeyga ee aan arki waayey ayaan ku iri qof agteyda taagan maxaa I helay ee aan wax u arki la ahay markaas ayaa la ii sheegay inay xabad I haleeshay naxdin badanaa daqiiqado ka hor waxaan ahaa gabar lexaadkeeda uu u dhamaa hadana nuurkii dunida ayaa leyga soo qariyey ilaahayoow adigaa caadil ah markaan intaas ku calaacalay ayaa waxaa la ii sheegey inay xabada iigaga dhacdey labada dhinac ee indhdheyga ku yaalaan (maashka)hadaladaas waxaa tiri Fartuun.
   Fartuun waa 18 jir ma awoodo inay u kaalmeyso hooyadeed mana awoodo inay waxbarasheedii sii wadato waxay ka soo jeedaa reero sabool ah waxay wax u baraneysay inay mar un waalidkeed ka gacan siiso nolosha adeg ee aduunyada laakiin wax ma garte ayaa yiri maya!!!
Fartuun waqtiga ay  xabadu ku dhaceysay waxay ka qalin jibisey dusgi hoose iyo dhexe waxay ku hamineysay inay noqoto kalkaaliso caafimaad oo waxay tababar caafimaad u aadi jirtey isbitaalka Banaadir oo waxaa u socdey neecoowgii waxbarasho.
 Fartuun hooyadeed Faadumo Yuusuf  waa cuuryaan  oo waxay markii horaba fiirsaneysay xooga gabadheeda inanta ah markii ay gabadheedii ay lexaadba beeshay naxdin darteed waxaa Hooyo Faadumo  ku dhacay xanuunka dhiig karka. 
Intaa ka dib  Fartuun waxay si  naxariis iyo xushmad leh uga codsaneysaa  walaalaha muslimiinta  Soomaliyeed ee ku kala sugan dal iyo dibadba inay  u gargaaraan ilaah ayaa gar gaar lahee.
 Fadlan hadii aad gar gaare tahay ku soo hagaaji kaalmooyinkaaga
 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg