AudioAcrobat!
 
 E-mail

Fadlan Caawi  wiilkaa dhiban oo ay madaxu biyahu ka buuxaan.

 

 

 

Asad Aadan Turaabi waa wiil madaxu ay kaga buuxaan biyo, magacaas ee Asad Aadan Turaabina waxaa ula baxay  dadkii ka soo qaadey dariiqa,

 Iminka Asad xaalkiisu waa mid u baahan in wax laga qabto, da’diisu wey sii kordheysaa oo iminka wuxuu ku dhow  yahay da’dii qaangaarka, xanuunkii madaxana wuu laba laabey.

Dhakhaatiirta dalka Soomaliya ku sugana waxay sheegeyn in Xaalka Asad aan dalka waxba looga qaban Karin.

Asad  waa 13-jir ah oo sanadkii 1997-dii ayaa laga helay meel cidlo ah, waxaa xiligaasi lagu qiyaasay da’diisa dhowr habeen, waxaana dadkii halkaa ka helay ay ku wareejiyeen Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole ee magaalada Muqdisho taasoo iyana u dhiibtay Haweenay lagu magacaabo Faadumo Shiikh Aadan oo iyadu u tafa xeydatay in ay koriso Cunugaasi oo loo bixiyay Asad Aadan Turaabi.

Faadumo Shiikh Aadan waxay la soo daalaa dhacdo waxaa cunigii yaraa ku yimid cudur dhinaca madaxa ah kaddib markii ay biyo ka galeen Madaxa, taasina waxay keentay in Faadumo ay culeys ku noqoto daaweynta iyo daryeelka cunagaasi maadaama ay ahayd qof iska sabool ah, inkastoo ay dhowr jeer u gaysay Dhakhaatiir haddana markii dambe Dhakaatiirtu waxay sheegeen in canugaani aan waxba looga qaban karin dalka, balse uu u baahan gargaar dibadeed, si biyaha looga miiro.

“Haddii aan si dhaqsi leh biyaha looga saarin wiilkaa yarka ah, nafsaddiisa halis ayay ku sugan tahay, waayo Dhakhaatiirtu waxay yiraahdeen, biyahaasi waxay dhibaato gaarsiin karaan dareemayaasha jirkisa, sida Gacmaha, Lugaha iyo Maskaxdaba” ayuu yiri mid ka mid ah Dhakhaatiirta loo geeyay cunugaasi.

Faadumo Shiikh Aadan waxa ay ka codsaneysaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibaddiisa iyo Hay’adaha Samafalka in ay gargaar la soo garaan Wiilkaa yar ee ay dhibaatadu haysato, waayo waa Bini’aadan u baahan nolol aysanna ka garab muuqan Hooyo iyo Aabbe, iyo ehel kale oo u naxariista marka la reebo Faadumo oo tababari u run sheegtay. Ee fadlan  Gargaarku waa mid ilaahay na farey ee aan u gargaarno walaalaheena   dhibaateesan,

Hadii aad dooneyso inaad taakuleyso Asad Aadan Turaabi  la soo xiriir

Yaasmiin Mayow Maxamed

Email :-  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Phone:-- 0025250-410004

             002521-5590407

 
 

Caawi Gabdhahaan

Fadlan Ugargaara!

Tartanka_Quraanka

tartan quraan

Sahro U gargaara

Kutubeey

Ugargaara Qoyskan

Baa_Calwaan

Khadiijo

fadlan caawi

Sacdiyo_HIV

SWACRO_YouTube

Waqtiyada Salada

Wayeelada Liita

Caawi Bukaankan

No images

Adeegaha_Danyarta Youtube

Dadka Tabarta Yar

Wareysi barkhad

SWACRO

dugsiga_kismaayo9.jpg

2009 Afurinta SWACRO

Fadlan U Gargaara Seynab

Fadlan U gargaar

Warbixinti cartan