E-mail

FADLAN U GARGAARA-MARYAN C/LAAHI CALI.

 

Islaan-nimadu waxeey ina fareeysaa is-caawiinta,is taakuleynta
iyo isu-gargaarka waana mid ka mid ah sifooyinka wanaagsan oo
diinteena islaanka mudnaanta gaar ahaaneed siiyeey waana hibo
Raxmaanku ugu deeqay adoomihiisa laguna eegaayo qaadasahadda
iyo ku dhaqmideedaba amarka Allah iyo la imaanshaha
Camal keyr.

 
 Qormaday maanta ayaa ku saabsan Gabadhan Somaaliyeed oo aad halkan
ku aragtaan sawirkeeda oo ku sugan magaaladda Neyroobi dalka Kenya
sida Sawirkana ka muuqatana si weyn u xanuunsan sida qoraal ku xusan
Shebekadda qiimaha weyn leh ee www.qaranimo.com fibaaxay xanuunkan
Gabadhan oo magaceedu yahay-MARYAN C/LAAHI CALI waa mid ka helay oo
hawl galba ka dhigay xubin qiimo weyn ugu fadhida noloosha qofka
KELYAHA oo ku dhoow ma heer howl gal gaareey iyadoo Maryan aan cidi
Qurbaha u joogiin sidoo kalena aanay heeysan wax dhaqaale ah oo eey
Daryeel daaweeynid ku raadsato,Maryan waa gabar dhalinyaro ah oo si
weyn ugu baahan taakuleyn,gargaar deg deg ah iyo caawin islaanimo.


Runtii si weyn ayeey ii taabatay xaaladda Maryan iyo dhibtaatadda
Caafimaad daro oo ku heeysata magaaladda Neyroobi,waana xaalad ka mid
ah kuwo markiiba damiir iyo dareenka qofka Muslinka ah ee Somaaliyeed
oo ehel kheyrka ku abuuraayaa garashada iyo gudashada masuuliyadiisa
Islaanimo,Somaalinimo iyo dadnimo-ba isl markaana keeneeysa ku eegida
Xaaladda Maryan il-naxariiseed,anigoo ah Mudane-Xassan Carab kana mid
ah bahda qorayaasha Internetka qalinkeeygana u hibeeyeey ugu adeegida
Dalkeeyga iyo Dadeeyga Somaaliyeed si weyn mudnaan gaar ahaaneed u siiya
Howlha samafalka waxaan halkan si naxariis leh,islaanimo leh,walaalnimo
iyo bani-aadaminimo-ba leh ugu soo jeedinaayaa guud ahaan Jaaliyadda
Qurba jooga ah ee Somaaliyeed weliba intooda ehel kheyrka ah in eey sida 
ku haboon u eegaan xaaladda Maryan C/Laahi ku sugan yahay iyo baahidda
weyn oo eey u qabto caawiin iyo gargaar u fidiin deg deg ah,gacanta ku
haboona u fidiyaan(Allah gar-gaar iyo gacan weyn-ba leh)Faah-faahinta
Xaaladda Caafimaad ee Maryan waxaa ka heli kartaan:- www.qaranimo.com
Telefoona laga xiriiri karano waa kuwa halkan hoose ku qoran:-
 Maryan Abdullaahi Alitelefoonkaa: 254722528291
Waxaa kalle laga heli karaa-NUURTO SHEEQ HASSAN Tel-254722528291.

-ALLAH GAR-GAAR LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
-UK- 25/10/2010.
kala soco wara ku xiiso geliya kana qeeybqaado gargaarka walaalahaaga dhibaateeysan www.4somaliwomen.com  
 

 

Muxaadaro

gabadha kelyaha xanuunaaya

Muxaadaro

http://www.youtube.com/v/3y5Z346h_nE

fadlan tell-Telefoonka +254722282090

http://www.youtube.com/watch?v=5dqmyJg_Sxo&feature=player_embedded
yaasmiin_mayoow.jpg
cartan.jpg